Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge kusoo dhoweynaysa kooxda kusoo guuleystay tartanka Europa League xili ciyaareedkii hore ee Sevilla, waxaana uu Lampard kala hor tegay xiddigihiisa ugu wanaagsan si uu libinta u hesho kooxdiisa kulanka ugu horreeya xili ciyaareedkan ee tartanka Champions League.

Timo Werner oo laba gool u dhaliyey Chelsea ciyaartii ugu dambaysay ee kooxdiisa ee Sabtidii ay 3-3 ku kala  baxeen Southampton ayaa hoggaaminaya safka weerarka ee kooxda, waxaana garabkiisa taagan laacibka reer Maraykan ee Christian Pulisic oo loo xidhay No.10 iyo Kai Havertz.

Jorginho ayaa kabtan ka noqonaya ciyaarta maadaama uu Azpilicueta kaydka fadhiyo. Goolhaye Mendy ayaa kusoo bilowday ciyaartan oo kaydka dhigay Kepa Arrizabalaga, sidoo kalena James, Zouma iyo Ben Chilwell ayaa difaaca la adkaynaya ruug-caddaaga reer Brazil ee Thiago Silva.

Advertisements

Khadka dhexe ayay ku mataanaysan yihiin Jorginho, Kante iyo Mason Mount.

Frank Lampard ayaa door biday inuu fadhiisiyo Rudiger, Christensen, Tomori, Azpilicueta iyo Emerson oo dhamaantood difaaca ah, halka dhexdana ay kaydka ku jiraan Kovacic, Ziyech iyo Hudson-Odoi.

Labada weeraryahan ee Giroud iyo Abraham ayaa iyaguna kaydka ku jira.

Kooxda martida ah ee Svilla ayaa iyaduna shax adag kusoo gashay ciyaarta, waxaana hoggaaminaya labadii laacib ee sababta ugu ahaa inay xili ciyaareedkii hore gacanta ku dhigaan tartanka Europa League ee De Jong iyo Ocampos oo kaalmo ka heli doona Suso, Gudelj iyo Fernando.

Ruug-caddaaga reer Spain ee Navas ayaa isaguna difaaca midig taagan.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood:

Chelsea: Mendy, James, Zouma, Silva, Chilwell, Jorginho, Kante, Mount, Havertz, Pulisic, Werner.

Kaydka: Kepa, Caballero, Rugider, Christensen, Tomori, Azpilicueta, Emerson, Kovacic, Ziyech, Hudson-Odoi, Giroud, Abraham.

Sevilla: Bounou, Navas, Gomez, Carlos, Acuna, Rakitic, Fernando, Gudelj, Suso, De Jong, Ocampos.

Kaydka: Vaclic, Rekik, Jordan, Munir, Oscar Rodriguez, En-Nesyri, Escudero, Torres, Vazquez, Fernandez.