Barcelona oo xili ciyaareed dhibaato badan ku dhex jirta ayaa ku sugan garoonka Wanda Metropolitano oo ay marti ugu tahay Atletico Madrid, waxaanu tababare Ronald Koeman keenay shax adag oo uu hoggaaminayo Lionel Messi oo ah ciyaartoyga goolasha ugu badan kasoo dhaliyey kooxdan.

Antoine Griezmann ayaa afka hore ee weerarka kalidii ku ah, waxaase badi-taaraya Pedri, Messi iyo Ousmane Dembele oo dhamaantood safka hore kula soo bilowday, taas oo ka dhigan in aanay Barcelona waxba iskula hadhin oo ay weerar ku ciyaarayso.

Khadka dhexe ayuu kusoo bilowday Pjanic oo ka garab ciyaaraya Frankie de Jong, waxaana uu khabiirkan hore ee Juventus fursadda ka helay Sergio Busquets oo dhaawac ah.

Advertisements

Philippe Coutinho oo kasoo laabtay dhaawac ayaa kaydka ku jiro, sidoo kalena Puig, Alena iyo Firmo ayaa iyaguna kaydka ku jira oo sugaya inay firaaqo helaan qaybaha dambe.

Diego Semione ayaa isaguna kusoo bilaabay Joao Felix oo hoggaaminaya afka hore maadaama uu xanuunsanayo Luis Suarez oo aanu kooxdiisii hore waajahaynin, waxaana sidoo kale ay iskaashanayaan Llorente.

Khakda dhexe ayay joogaan Koke, Saul, Correa iyo Carrasco.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Barcelona XI: Ter Stegen; Roberto, Piqué, Lenglet, Alba; Dembélé, Pjanic, De Jong, Pedri; Messi, Griezmann

Kaydka: Neto (GK), Arnau (GK), Mingueza, Dest, Firpo, Aleñá, Puig, Coutinho, Trincão, Braithwaite

Atletico Madrid XI: Oblak; Trippier, Savic, Giménez, Hermoso; Correa, Koke, Saúl, Carrasco; Llorente, João Félix

Kaydka: Grbic (GK), Felipe, Sánchez, Lodi, Kondogbia, Moya, Lemar, Vitolo, Diego Costa, Saponjic, Camello