Waxaa galabta garoonka Goodison Park ku balansan kooxaha Everton iyo Manchester United iyadoo Ole Gunnar Solskjaer uu ka horimaanaya waayo araga Carlo Ancelotti.
Labada kooxood ayaa ku jira qaab ciyaareed fiican haatan. Everton ayaa laga badiyay markii ugu horeysay shan kulan oo horyaalka ah isbuucii la soo dhaafay iyadoo guuldarro ciriiri ah oo 3-2 ah ay ka soo gaartay Arsenal.
Halka Manchester United aan laga badinin todoba kulan oo isku xigta tartamada oo dhan iyadoo mudadaas laga dhaliyay kaliya hal gool, waxayna hal dhibic u soo jirsan doonaan kaalinta afaraad oo Chelsea ay ku jirto haddii ay badiyaan galabta.
Waa kulan xiiso badan leh marka loo eego qaab ciyaareedka labada kooxood.
Anthony Martial ayaa taam u noqday in lagu soo bilaabo kulanka galabta iyadoo weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira uu dhaawac ka soo gaaray muruqa tababarkii Arbacadii, wuxuuna seegay kulankii Europa League ee ay ka badiyeen Club Brugge.
Waxaa ka garab ciyaaraya Masin Greenwood iyo Fernandes. Halka Ighalo uu fadhiya kursiga keydka.
Man United waxaa ka maqan Marcus Rashford iyo Paul Pogba oo dhaawacyo kala duwan ka soo kabsanaya.
SHAXDA RASMIGA AH:
Everton XI: Pickford, Coleman, Holgate, Keane, Baines, Davies, Gomes, Sigurdsson, Walcott, Richarlison, Calvert-Lewin.
Keyd: Virginia, Delph, Mina, Iwobi, Sidibe, Bernard, Kean.
Advertisements
Man United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Matic, Fred, McTominay, Fernandes, Greenwood, Martial.
Keyd: Romero, Bailly, Mata, Lingard, Pereira, Ighalo, Williams.