Arsenal ayaa caawa garoonkeeda Emirates Stadium ku martigelineysa kooxda Leicester City iyagoo rajeynaya inay wadada guusha ku soo noqdaan ka dib guuldaradii Manchester City ka soo gaartay isbuucii la soo dhaafay.

Labada kooxood ayaa ka soo kabtay guuldaradii ka soo gaartay Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, iyagoo guulo ka gaaray kulamadoodii Europa League.

Arsenal ayaa dib u heshay Dani Ceballos kaasoo dhaawac ku seegay kulankii Europa League ee ay 2-1 kaga badiyeen Rapid Vienna. Willian ayaa dhaawac ku maqan welin.

Advertisements

Saxiixa cusub Thomas Partey ayaa isna lagu soo bilaabay kulan Premier League ah.

Hector Bellerin, Granit Xhaka iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shaxda ku soo laabtay ka dib markii uu keyd ay fadhiyeen kulankii Vienna.

Tababaraha Leicester City Brendan Rodgers ayaa kursiga keydka soo fariisiyay Jamie Vardy kaasoo dhaawac ku maqnaa labadii kulan ee ugu danbeysay.

SHAXDA RASMIGA AH:

Arsenal: Leno, Luiz, Gabriel, Tierney, Bellerin, Xhaka, Partey, Ceballos, Saka, Lacazette, Aubameyang.

Keyd: Runarsson, Mustafi, Maitland-Niles, Elneny, Willock, Pepe, Nketiah.

Leicester City: Schmeichel, Fofana, Evans, Fuchs, Castagne, Mendy, Praet, Justin, Tielemans, Barnes, Maddison.

Keyd: Ward, Morgan, Under, Choudhury, Albrighton, Iheanacho, Vardy.