Geesigii Axmed-Guray ayaa laga hayey “Si aad u hesho waxa aad jeceshahay, waa in aad marka hore u dulqaadataa wax kasta oo aad neceb tahay “. Sida caadiga ah meel kasta oo adduunka ka mid ah waxa laga helaa shakhsiyaad kolba waxa la isku hayo mowqif xagjir ah ka aamisan ama cunsuriyad ku caan-baxay. Intii lagu jiray labadii qaybood ee bilowgii shirkii Jabuuti ee u dhaxeeyey Soomaalilaan iyo Soomaaliya, waxa isha ku hayey dadweynaha kala taageersan labada dal. Shakhsiyaad si weyn uga soo horjeeday in Soomaalilaan aanay wax libin ka helin goob kasta oo ay kulmaan Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga faceliyey shirkii Jabuuti. Waxa aynu dul-istaagi doonaa dhawr shakhsi oo si khasab ah u bixiyey qiraal waayuhu ku khasbay oo aan ka soo go’in qalbigooda:

= Cabdicasiis A. Culusow oo caan ka ah barah bulshada, una dhashay Soomaaliya oo lagu yaqaanay in aanu weligii kelmad u qalanta ugu yeedhin Soomaalilaan ayaa ugu horreeyey dadkii badheedhahooda dhiibtay. Cabdicasiis wuxuu hore iyo dambe u aamisan yahay in gooni-isu-taagga Soomaalilaan uu yahay GEF. Horta halkaasi ayuu ku arooraa mowqifkiisu. Wuxuu badheedhihiisa shirkii Jabuuti ku soo gaabiyey dhawr hadal oo kooban: “ Farmaajo oo siyaasad ahaan dhulka jiitamaya ayey fursad u heleen kuwii goonida u joogay (Soomaalilaan). Diyaargarowga dhincooda ka muuqday iyo kala daadsanaanta ka muuqatay kooxda Farmaajo ayaa keentay guuldarrada guusha siisay Soomaalilaan”. In ajandaha shirka kuwa gooni-u-go’ay si hoos ay gaaladu ugu gudbiyeen waxaad ku garansaysaa sida uu ahaa heerka diyaargarowgoodu. Iyo habacsanaanta kooxda Farjaamo”.

= Maxamed Cumar Fiidow oo Tuwiitarka dagaalka Soomaalilaan ka dhanka ah caan ka ahaa, oo lagu yaqaanay in aanu mar keliya carrabkiisu ku dhawaaqin magaca Soomaalilaan, ayaa mid ahaa dadka ra’igooda ka dhiibtay wixii ka soo baxay shirka Jabuuti labadii cisho ee hore. Wuxuu ku maahmaahay ‘ Saaxiib weji-xidhan ayaa dhaama cadow kuu qosla.’ Wuxuu qoraal ku cabbiray siduu uga niyad jabay kooxda uu soo xushay Madaxweyne Farmaajo iyo dhinaca kale ee ka soo horjeeda, oo uu Soomaalilaan uga yeedo. Wuxuu yidhi” Farmaajo oo Muqdisho mucaaradkii ku soo jilciyeen ayaa isaga oo naflacaari ah dhexgalay shir aanu ka diyaaragoobin oo runtii ahaa dabin loo qoday dawladiisa. Waxaana ku caddaynaya shuruudaha shirka ay ku xidhay kooxda gooni-u-goosatadu, ee ahaa, kow, in loo wadahadallo labad dal, laba, in shirka aanay ka soo qaybgelin dadkii midnimada aaminsanaa ee Harti waqooyi iyo weliba Isaaqii ay isku mowqifka ahaayeen. Guusha ay gooni-u-goosatadu (Soomaalilaan) halkaasi kala hoyatay, waxa lagula xisaabtami doonaa Farmaajo oo mustaqbal xumo taariikheed dalka u horseeday”.

= Yuusuf Garaad Cumar oo markii uu BBC-da madaxda ka ahaa la wada ogaa, weliba markii shirkii Carta lagu soo doortay Cabdiqaasin Salaad bilaabay inuu toos ula dagaallo Soomaalilaan ayaa qirtay in lagala adkaaday shirkii Jabuuti.  Wuxuu qoray qoraal uu ka faalloonayo wixii ka dhacay shirkii Jabuuti labadii cisho ee bilowga shirka. Wuxuu weftiga Soomaalilaan ku tilmaamay kuwa dhinac kasta ka soo diyaargaroobay, oo doodoodu ku dhisnayd taariikh, garnqsi dawladeed yacnihii  inay ahaayeen dawlad la midowday dawlada Soomaaliya, 30 ka dibna ka baxday midowgii. Oo ay u caddahay waxa ay rabto iyo waxa ay diidayso. Wuxuu ku dhaliilay Soomaaliya in ay iibin kari weyday siyaasadda MIDNIMADA. Wuxuu sheegay in keliya ay goobta la yimaadeen u caqli celin walaahood ah bes. Wuxuu si dadban u sheegay in raggii SNM ka tirsanaa ee riday dawladdii xoogga badnay ay u aqoonsadeen Mujaahidiin. Halka USC raggii ka tirsanaa aan gobollada dhexe iyo Muqdisho looga aqoonsan Mujaahdiin. Aakhirkii wuxuu muujiyey walaaciisa ku saabsan inay meesha ka sii baxayso MIDNIMADII, waxaanu soo jeediyey in aan Soomaalilaan si kala looga adkaan Karin ilaa iyaga dhexdooda la horkeeno (Yacnihii kuwooda midnimada aamisan iyo kuwooda gooni-isu-taagga aamisan).

= Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wakhtigii uu wasiirka awoodda badan u ahaa dawladdii Sheekh Shariif aan weligii laga maqal waxa Soomaalilaan dan u ah iyo ka garaabo wixii wanaagsanaa ee ay qabsatay ayaa mid ahaa dadkii mucaaradnimadooda uga faa’idaystay shirkii Jabuuti. Dhawr qoddob ayuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay. Wuxuu sheegay, in Madaxweyne Muuse Biixi uu saddex shay oo uu doonayey uu shirka ka helay: kuwaasi oo kala ah, in goob fagaare ah uu ku garnaqsado, in laba dal oo wadahadlaysa loo aqoonsado iyo inay dawladda Soomaaliya joojisay muwaacimada iyo maalgashiga inay siyaasadayso. Wuxuu Farmaajo ku tilmaamay nin aan istaraatijiyad lahayn oo muddo-kordhin keliya ahi u daran tahay. Waana taa keentay ayuu yidhi in war-murtiyeedkii shirka qaybtiisii hore lagu soo saaro laba dal oo shir dhexmaray geeska afrika ka tirsan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah. 

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com