Shacabka Uganda oo u dareeray doorasho natiijeeda la sii ogyahay
Shacabka Uganda, ayaa maanta u dareeray Doorashada guud ee dalkaasi oo ay ku soo dooranayaan Madaxweynaha talada haynaya shanta Sano ee soo socota.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka dalka Uganda, gaar ahaan goobaha ay ka dhacayaan Codbixinta Doorashooyinka Madaxtinimada dalkaasi.
Madaxweynaha hadda haya talada dalka Uganda Yoweri Museveni oo 30 sano hayay Madaxtinimada dalkaasi ayaa weli doonaya inuu tartamo oo uu ku guuleysto, waxaana la tartamaya Bobi Wine oo ah heesaa caan ah oo ka tirsan baarlamanka dalkaas.
Goobo kala duwan ayaa la dhigay Sanaadiiqda codbixinta, waxaana halkaasi lagu arkayaa shacab u taagan inay dhiibtaan codadkooda.
Ciidamo badan ayaa la dhigay goobaha codbixinta Doorashada ay ka dhaceyso oo amniga si weyn ayaa loo adkeeyay.
Uganda ayaa laga cabsi qabaa in ay lugaha la gasho khalalaaso siyaasadeed, xili muran xoogan uu ka taagan yahay doorashada dalkaasi