Kumannaan qof ayaa ka dib baxday bireynta macallimka ardeydiisa tusay sawir kartoon ah oo Nabi Maxamed (NNKH) lagu sheegay

Waxbaa u qarsanaa dadkii badnaa ee dabayaaqada toddobaadka isugu soo baxay guud ahaan Faransiiska.

Sida midnimada qaran loo soo bandhigo – kaddib dilkii macallin Samuel Paty loogu gaystay afaafka hore ee Paris – waxa taa muujineysaa kala qeybsanaanta sii kordhaysa ee ka jirta qeyba ka mid ah dalka, taas oo ku salaysan aragtida ku aaddan cilmaaniyadda iyo xorriyadda hadalka.

“Sanadkii la soo dhaafay, arday ayaa ii sheegay in ay sharci tahay in la dilo qofkii aanan qadarin Nebiga [Muxamed] – nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,” Fathia Agad-Boudjhalat, oo ah macallimad dhigta taariikhda, ayaa u sheegtay radio Faransiiska laga leeyahay. “Arrintaas waxa ay ka imanaysaa waxa ay qoysaskooda ka maqlaan.”

Fathia waxa ay muddo sanado ah haysay kartuunnada laga sameeyay Nebi Muxamed (NNKH), iyo kartuunno kale oo laga sameeyay Donald Trump iyo Emmanuel Macron, si ay ardayda wax uga barto xorriyadda hadalka.

Balse dad badan oo xirfadayda oo kale leh waxa ay soo tabiyeen arrin walaac leh oo ka imanaysa ardayda dadka laga tirada badan yahay kuwaas oo u muuqanaya kuwo ku wareersan shuruucda iyo qiyamka Mareykanka.

Cilmaaniyadda qaranka ku salaysan – ama laïcité – waxa ay udub dhexaad u tahay aqoonsiga qaran ee Faransiiska. Arrintaas ayaana muhiim u ah sida “xorriyadda, sinnaanta, istaageeridda” arrintaas oo lagu saleeyay hal-ku-dhigga kacaankii ka dib.

Amarka Laïcité ayaa ah in fagaarooyinka dadweynaha – haddii ay noqoto fasallada, goobaha shaqada ama wasaaradaha – waa inay xor ka noqdaan diinta. In la xaddido xorriyadda hadalka si loo ilaaliyo dareenka bulsho gaar ah, ayuu qaranku leeyahay, waxay taas wax u dhimaysaa midnimada dalka.

Waxaa jirta caddeyn ah in dad badan oo ku nool Faransiiska aanay ku qanacsanayn dooddan, waxayna doonayaan in la badelo xadka cilmaaniyadda iyo xorriyadda hadalka.

Qoraalka Muuqaalka,Muqaal: Macallimkii lagu bireeyay Faransiiska iyo isu soo baxyada ka dhashay

Sida uu qabo Michaël Prazan, oo ah macallin hore, is faham la’aanta ayaa bilaabatay inay sii kobocdo horraantii sannadkii 2000, markaas oo dowladdu ay mamnuucday in astaamaha diimaha muujinaya aanan lala soo gali karin iskuullada.

Waagaas wuxuu macallim ka ahaa duleedka magaalada Paris halkaas oo ay ku badan yihiin Muslimiinta. Wuxuu rumaysan yahay in macallimiintu ay ku guuldarraysteen inay wax ka qabtaan khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya iyaga iyo ardaydooda.

“Waa inaynu si degdeg ah wax uga qabanaa, marka aynu aragno arday dhibaato ku haya fasalka, sida inuu been sheegayo ama ku faraxsanyahay ficilka aragagixisada,” ayuu ii sheegay. “Waa inaynu si degdeg ah ula tacaalnaa ka hor inta aanay arrinta internet-ka gaarin oo aanan macallinka loogu hanjabin in la dili doono.”

Macallimiinta ayaa sheegay in ay isbadel arkeen wixii ka dambeeyay sannadkii 2015, markii rag hubaysan ay weerrareen wargeyska Charlie Hebdo, kaddib markii uu daabacay kartuunno uu ku sheegay Nebi Muxamed NNKH.

“Way u qalmeen in sidaas lagu sameeyo,” sida qaar ka mid ah ardayda ayaa u sheegay macallin Alexandra Girat. “sababtoo kartuunnada xad dhaaf ayey ahaayeen – mana ahan in qaabkaas loogu matelo Nebi Muxamed.”

Policemen are seen next to a painting in tribute to members of Charlie Hebdo newspaper
Qoraalka sawirka,Sawir-ka dadkii lagu dilay weerarkii Charlie Hebdo, waxaa lagu sameeyay Rue Nicolas-Appert

Fikrado la uruuriyay ayaa mujinaya in aragtida guud ahaan ee dadka Faransiiska ay xoogaysatay wixii weerraradaas ka dambeeyay, iyagoo inta badan dadka ay haatan taageerayaan go’aanka ay jariidaddu ku daabacday kartuunnada. Mar hore, ayey intooda badan sheegeen in arrintaas ay aheyd “daandaansi aan loo baahnayn”.

Dhanka kale, ku dhawaad 70% Muslimiinta arrintaas wax laga waydiiyay waxa ay rumaysan yihiin in daabacaadda sawirrada ay aheyd khalad.

Balse labada kooxood ee ra’yiga laga qaaday waxay si xooggan u dhaleeceeyeen weerrarada.

Waa arrin cakiran marka la fiiriyo halka ay salka ku hayso kala qaybsanaanta sii kordhaysa ee diinta iyo xorriyadda hadalka ku saabsan. Waxaa ka mid ah saameynta colaadaha dalka dibaddiisa, cunsuriyadda iyo faquuqa ay la kulmaan inta badan dadka Muslimiinta ah ee halkan u soo haajiray.

Qiyamka qaran ee Faransiiska ayey adag tahay in la difaaco, dadka qaar ayaa sidaas qaba, waa haddii aanay adiga ku qabanayn.

Marka halkey arrintaas ka soo galaysaa macallimiinta sida Samuel Paty, kuwaas oo ay shaqadooda tahay inay ardayda baraan xorriyadda hadalka?

Undated photo of Samuel Paty
Qoraalka sawirka,Samuel Paty, waxaa loo hanjabay ka hor intii aana la dilin.

Haweeney ku sugnayd isu soo baxii Sabtida ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha Faransiiska ay tahay inay tallaaba qaadaan.

“Macallimiinta oo kaliya uma dayn karno inay wajahaan su’aalahan cakiran ee isugu jira diinta, qiyamka iyo kuwa mutaxan,” ayey noo sheegtay. “In la hago ayey u baahan yihiin.”

Dhawaqaas muddo sanado ah ayaan maqlaynay,” Iannis Roder, oo ah taariikhyahan iyo macallin, ayaa u sheegay radio Faransiiska laga leeyahay. “Waxaan rajaynayaa in tani ay noqoto bartii baraaruga ee aynu ku aqoonsan lahayn xaaladda dhabta ah ee ka taagan gudaha.”

Madaxweyne Macron waxaa lagu soo warramay inuu dowladda waydiistay inay la timaado “tallaabo adag” sidoo kalena la xoojiyo ammaanka iskuullada, isagoo ballan qaaday in “cabsida ay dhinaca kale u wareegi doonto”.

In ka badan 80 qof oo online-ka soo dhigeen farriimo ay ku taageerayaan qofkii dilay Mr Paty, waxaa baaritaann ku sameyn doono booliska, sidoo kale waxaa si hor leh loo baarayaa dadka looga shakiyo xiriirrada kooxaha xagjirka ah.

Dowladda waxaa saaran cadaadis, iyadoo sarkaal sare oo mucaarad ah uu dhalleeceeyay habka Macron uu arrinta ula tacaalayo, waxa uuna ku baaqay in “aanan la ooyin ee hubka la qaato.”

BBC somali