Sacuudi Carabiya waxay si ku meel gaadh ah u joojisay shaqadii dowladda marka laga reebo caafimaadka, amniga, iyo waaxaha militariga, taas oo qayb ka ah dadaalkeeda ku aaddan xakameynta faafitaanka coronavirus.

 

Waxay kaloo amartay in la xidho dhammaan suuqyada, maqaayadaha, kafateeriyada iyo jardiinooyinka dadweynaha. Suuqyada waaweyn, farmasiiyada iyo shirkadaha cuntada keena ayaa loo oggolaan doonaa inay si caadi ah u shaqeeyaan.

 

Ilaa Isniinta 16ka Maarso, boqortooyada khaliijka ayaa soo warisay 118 xaaladood oo ah cudurka coronavirus, oo sidoo kale loo yaqaan COVID-19.

Dowladda ayaa ka codsatay dhammaan shaqaalaha inay joogaan guriga muddo 16 maalmood ah oo ka bilaabaneysa Isniinta, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SPA.

 

Waxay ku dhawaaqday yareynta shirarka waaxaha dowladda, iyadoo kor loo qaadayo macaamillada elektiroonigga ah iyo aaladaha adeegga gaarsiinta ee dhammaan qaybaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Waaxaha gaarka loo leeyahay waxaa lagu booriyay inay yareeyaan tirada shaqaalaha imanaya goobaha shaqada iyo in lagu dhiiri galiyo inay meelo kala  fog ka shaqeeyaan.

Cadiraxmaan Rashiid Dalmar

Dhexnimo Media/Hargeysa

info@dhexnimomedia.com