Dad badan ayaa marar kala duwan ciddiyahooda ku arka caddaan sida bisha u golxaysan oo ka muuqda gunta hoose ee ciddida faraha gacmuhu kaga xidhantahay jidhka.
Waxa ay khubaradu sheegaan in calaamadani ay inta badan dadka ka ku taallo laakiin midabka maqaarka iyo sababo kale awgeed uun ay dadka qaar uga muuqato kuwo badan oo kalana aanay uga muuqan.
Haddaba maaadaama oo uu caddaankani mar kasta ku yaallo qaybta u hoosaysa ee ciddida oo dabcan ah qaybtii ugu soo damba baxday, waxa ay noqon kartaa caddayn lagu garto in caafimaadka qofku fiican yahay. balse macnaheedu ma’aha in haddii aanu caddaankaasi jirin in ay dhibaato caafimaad jirto. Inkasta oo ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in haddii qofku aanu caddaankaas muddo isku arag, in ay fiicantahay in uu dhakhtar u tago.
Warbixin ay shabakadda Aljazeera faafisay oo ka warramaysay xaaladaha caafimaad ee caddaanka ciddiyaha la xidhiidhsanaan kara, ayaa ay ku sheegtay caddaankaas oo qofku ciddidiisa ka waayo muddo in uu calaamad u noqon karo xaaladaha soo socda:
1. In ay jirto mushkilad caafimaad oo raad taban ku yeelatay awooddii uu jidhku u lahaa nuugista curiyeyaasha nafaqo ee cuntada ku jirta.
2. Faytamiinka B12 oo qofka ku yar.
3. Waxaa jira nooc xanuunka baraska ka mid ah oo maqaarka midabka ka kaxeeya. Xanuunkani waxa uu weerara unugyada midabaynta ee jidhka.
4. Dhiig la’aan ayaa iyaduna sabab u noqon karta. Marka aanay si fiican u shaqaynayn unugyada dhiigga cas ee qofku, ama marka aanu jidhku soo saarayn unugyo ku filan. Waxa ay keentaa in ay hoos u dhacdo neefta Ogsajiinta, sidaa awgeed qofka waxaa ku dhici kara in midabka dabiiciga ah uu guuro, waana sabab kale oo qarin karta bishaas cad ee ciddiyaha guntooda ku samaysanta.
5. Waxa kale oo calaamaddani in ay qarsoonto keeni kara, xadiidka oo jidhka ku yaraada ayaa ah calaamadaha caanka ah ee qofka lagu arko marka uu dhiigyaraanta qabo. Dhiig la’aantu waxa ay ku iman kartaa dhiig bax daran oo qofka ku dhaca sida oo kale waxaa keena jidhka oo waaya awoodda uu cuntada kaga miiran karo xadiidka iyo faytamiinnada kale, waxaa iyaduna keenta qofka oo aan cunin cuntooyinka xadiidka leh.
6. Kelyaha oo aan shaqaynayn ama si buuxda u shaqaynayn ayaa keeni karta in calaamaddan caddaanka ahi ka qarsoonto ciddida qofka. Dadka keliyaha loo maydhaana maba arkaan calaamaddaas.
7. Wadne iyo sababo xanuunka ayaa iyaguna keeni kara. Sababtuna waa labadan xanuun oo inta badan midabka dabiiciga ah ee ciddida beddela. Tusaale ahaan noocyo ka mid ah xanuunnada wadnaha iyo sambabada oo ay ka mid yihiin xanuunka xidhmista sambabka, iyo wadnaha oo shaqadiisa gaba, ayaa ka mid ah xaaladaha keena midab doorsoonka ciddida. Waxa aanay sababtaa caddaanka ciddida oo qarsooma.
8. Beerka oo burburka. Waa xaalad beerka ku keenta nabarro iyo burbur, taas oo saamayn xun ku yeelata shaqada beerka. Haddaba xaaladdani waxa ay midabka caddaanka ee ciddida u beddeshaa casaan, halka midabka ciddiyuhuna uu isu beddelo caddaan, sidaas awgeed waxaa meel dhexe ku kulma midabka ciddida iyo midabka caddaanka (Bisha) ciddada gunteeda, waana ay adkaataa in la kala sooco.
9. ‘Argyrism’ waa xaalad lagu magacaabo sumowga Dheemanta, oo ah nooc ka mid ah sumowga dadku ka qaadaan marka ay jidhkooda in badan gaadho macdanta Lacagta (Silver) loo yaqaanno. Sida oo kale dadka ay jidhkooda aad u galaan maaddooyin kiimikaad oo sun leh ayaa ay ku dhacdaa xaaladda ‘Argyrism’, oo isbeddel ku keena midabka ciddida, taasina sababto in uu qarsoomo caddaanka ciddida gunteeda ka muuqdaa.
10. Waxaa jira xanuun hidde ah oo lagu magacaabo Wilson’s Disease. Waxa uu sababaa in maadadda ‘Cooper’ ama naxaastu ay ku ururto jidhka qofka gudihiisa iyada oo gaadha heer aad u khatar ah.
MARKA AY FIICAN TAHAY IN AAD DHAKHTARKA ARRINTAN UGU TAGTO:
Inkasta oo sida aynu soo sheegnay ay dhici karto in caddaankani u uu qarsoomo sababo aan khatar caafimaad ahayn. Ama ay jirtaba in dadka qaar aanu caddaankaniba si dabiici ah ah u qarsoonaado. Haddana waxaa fiican in qofku uu dhakhtarka booqdo marka uu qofku isbeddelo ku arko midabka caddaankaas ciddidiisa gunteeda ka muuqan lahaa, ama guud ahaanba uu midab aan dabiici ahayn ku arko ciddiyihiisa.
WAxaa muhiim ah in qofku uu hubiyo in sababta uu caddaankaasi u qarsoomay dabiici tahay iyo in ay jirto xaalad caafimaad oo sababaysaa, waana sababta ay u fiican tahay in dhakhtarka lagala tashadaa.
XAALADAHA AY QASABTAHAY IN DHAKHTARKA LA ARKO
Haddii ay isu kaa raacaan caddaankan ciddida oo qarsoomay iyo calaamadaha hoos ku qoran midkood waxa ay dhakhaatiirtu kugula talinayaan in aad dhakhtar aragto, si aad u ogaato in aanay jirin xaalad caafimaad darro oo kahtar ahi.
1. Dawakhaad
2. Xiise badan oo aad u qaaddo cunista waxyaabo aan caadi ahayn, sida ciidda iyo waxyaabo mararka qaarkood wasakh ah.
3. Daal iyo burbur badan
4. Qofka oo is arka in aanu xisie u qabin hawlaha uu caadi ahaan jecelyahay ama xiisayn jiray in uu mar kasta ku mashquulsanaado.
5. Miisaanka oo aad u kordha, ama miisaanka oo aad u dhaca iyada oo aanay jirin sabab uu qofku ogyahay.
W/D: Kamaal Marjaan
Facebook: Marjaan Media