Saadiq Al Mahdi oo geeriyooday iyo Sababta keentay geeridiisa oo la shaaciyay
Isbitaal kuyaala dalka Imaaraadka Carabta waxaa ku geeriyooday Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Sudan Saadiq Al Mahdi, kadib markii uu haleelay cudurka safmarka ah ee Caronavirus.
Xisbiga uu ka tirsanaa Sadiiq Al Mahdi ee NUP iyo xubno katirsan qoyskiisa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida siyaasigan, waxa ayna sheegeen in uu u geeriyooday cudurka Caronavirus oo haleelay horaantii bishan November.
Masuuliyiin iyo dad kale oo aqoon badan u lahaa Saadiq Al Mahdi ayaa ka tacsiyadeeyay geeridiisa, waxaana dalka Sudan maanta si weyn looga dareemay geerida Ra’isul Wasaarihii hore ee dalkaasi.
Sadiiq Al Mahdi ayaa soo noqday Ra’isul Wasaaraha dalka Sudan, waxaana xukunka qaab afgembi ah uga tuureay sanadkii 1989-kii madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir iyo koox uu hogaaminayay.