Ronaldo Nazario Oo Qirtay Tumashadii Iyo Dhaqan-xumadii Uu Fabio Capello Ku Eedeeyey

Halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa bannaanka keenay sheekooyinka aanay dadku la soconin ee ku saabsanaa dhaqamadii xumaa ee uu caanka ku ahaa, kuwaas oo laga yaabo inay sabab u ahaayeen dhaawacyadiisii badnaa iyo inuu si degdeg ah xirfadda kubadda cagta uga fadhiistay.
Ronaldo waxa uu Real Madrid ku biiray sannadkii 2002 isaga oo kusoo guuleystay Koobka Adduunka, laakiin laba sannadood oo ka horreeyey ahaa mid u jiifa dhaawacyo laba ahaa oo ku gaadhay Inter Milan oo waqtigiisii San Siro uu xakameeyey dhaawac jilibka ahaa.
R9 oo lagu tiriyo mid ka mid ah weeraryahannadii ugu wanaagsanaa kubadda cagta, ayna layaab ahayd heerkiisa gool-dhalinta iyo sida ay ugu sahlanayd inuu difaacyahannada ugu garaaco xerada ganaaxa dhexdeeda, waxa waraysi uu bixiyey uu ku shaaciyey inuu ahaa qof jecel xafladaha iyo baadhiyada loo baxo waqtiyada habeenkii ah.
Advertisements
Real Madrid ayuu sheegay inay u samaysay ilaalo isaga uun ku waardiyeyaasha guriga uu deggan yahay si aanu dibedda ugu soo bixin oo aanu bannaanka u tegin.
Arrintan oo uu hore si’ lama filaan ah ugu shaaciyey Fabio Capello oo tilmaamay in xataa ciyaartoyda qaarkood ay u sheegeen in qolka lebbiska ee kooxda uu kasoo urayo wax aan fiicnayn oo markii la turjumayna loo fahmay in Ronaldo uu khamri soo cabbay, waxa biyo qabow ku shubay Ruud van Nistelrooy oo ahaa ciyaartoyga uu Capello sheegay inuu arrintan la socodsiiyey.
Ronaldo Nazario oo u warramay wargeyska Marca ayaa ugu dambayntii dhaqamadiisa aan wanaagsanayn bannaanka keenay, waxaanu yidhi: “Florentino wuxuu ilaaladiisa gaarka ah ii dhigay albaabka si aanan uga bixin guriga, laakiin dhamaantood waan xarfadeeyey, waxaanay qaarkood igula soo biireen xafladaynta iyo baadhiyada!
“Mararka qaarkood ayaad ayaan u baadhiyeyn jiray, laakiin mar walba waxaan muujin jiray masuuliyad, waxaanan isku dayi jiray in aanan cidna dhaawac u geysan.”
Advertisements
Ronaldo oo ay hadda da’diisu tahay 43 jir, waxa uu baadhiyada tegi jiray marka ay Real Madrid ku guuleysato kulamadooda isaga oo ka dhigan jiray sidii farxad oo kale, waxaanu yidhi: “Haa, marka aanu kulamada badino kaddib, waan dabbaal-degi jiray… mar kasta oo aanu guuleysanana dhibaataydu taas ayay ahayd.
“Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo ku saabsan xaqiiqada halyeyga. Waxay ahayd waqti cajiib ah. Real Madrid iyo Madrid waxay ahaayeen isku-milanka wanaajinayay magaalada iyo koox uu qof ka heli karo nolol.”
Ronaldo waxa uu Real Madrid ku qaatay shan sannadood oo uu u ciyaaray 177 kulan oo uu u dhaliyey 104 gool.