Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee reer Yurub ah ee dhaliya 100 gool oo heer caalami ah oo uu waddankiisa u saxeexay, waxaana uu qarka u saaran yahay inuu noqdo laacibka ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta ee dhinaca xulalka.
Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda Yurub markii uu gool laag xor ah ka dhaliyey Sweden oo ay marti u ahaa ugu ahaayeen garoonka Friends Arena ee ku yaalla caasimadda waddankaas ee Stockholm, halkaas oo xulka qaranka Portugal uu daqiiqaddii 45aad ee dhamaadka qaybta hore hoggaanka ugu dhiibay.
35 jirka reer Portugal oo hore usoo dhaliyey 99 gool ayaa u baahnaa inuu shabaqa soo taabto si uu u noqdo laacibkii labaad ee tiro saddex god oo goolal ah ka dhaliya qaramada dunida oo dhan, waxaana ka horreeyey xiddigii reer Iran ee Ali Dai oo 109 gool usoo dhaliyey dalkiisa intii uu ciyaaraha ku jiray.
Advertisements
Intii uu socday koobkii adduunka ee 2018 ee lagu qabtay Ruusha ayaa uu Ronaldo dhaafay rikoodhkii Ferenc Puskas ee gool-dhalinta caalamiga ah ee Yurub, iyadoo horena uu usoo garaacay halyeygii reer Hungary ee Sandor Koscis.
Halkan kaga bogo ciyaaryahannada ugu goolasha badan qaramada Yurub:
Cristiano Ronaldo (Portugal) – 100 gool
Ferenc Puskás (Hungary & Spain) – 84 gool
Sándor Kocsis (Hungary) – 75 gool
Miroslav Klose (Germany) – 71 gool
Gerd Müller (West Germany) – 68 gool
Robbie Keane (Republic of Ireland) – 68 gool
Zlatan Ibrahimović (Sweden) – 62 gool
Robert Lewandowski (Poland) – 61 gool
Imre Schlosser (Hungary) – 59 gool
David Villa (Spain) – 59 gool
Edin Džeko (Bosnia and Herzegovina) – 59 gool
Jan Koller (Czech Republic) – 55 gool
Joachim Streich (East Germany) – 55 gool
Wayne Rooney (England) – 53 gool
Poul Nielsen (Denmark) – 52 gool
Romelu Lukaku (Belgium) – 52 gool
Jon Dahl Tomasson (Denmark) – 52 gool
Thierry Henry (France) – 51 gool
Hakan Sükür (Turkey) – 51 gool
Lajos Tichy (Hungary) – 51 gool
Robin van Persie (Netherlands) – 50 gool