Real Madrid ayaa guuldarro xanuun badan ay ka soo gaartay Real Betis oo marti loo ahaa kuwaasoo ku qaarjiyay Los Blancos 2-1 iyadoo kooxda Zinedine Zidane ay si rasmi ah isaga dhiibtay hogaanka horyaalka La Liga.
Los Blancos ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah qaab ciyaareedyadeedii ugu liitay xilli ciyaareedkan iyadoo tababare Zidane uu ku qasaaray keyd uu geliyay xiddigaha sida Ferland Mendy iyo Valverde.
Natiijadaana ayaa la micno ah in Barcelona ay si rasmi ah u la wareegtay hogaanka horyaalka La Liga ka dib guushii ay xalay ka gaareen Real Sociedad iyagoo haatan horyaalka ku hogaaminaya labo dhibcood.
Real Madrid ayaa kulankaan ku bilaabatay si liidata iyagoo u ogolaaday kooxda martida loo ahaa ee Real Betis inay fursado badan abuurto iyadoo goolhaye Courtois uu dhowr fursadood ka beeniyay kooxda reer Basque.
Ugu danbeyn Real Betis ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 41aad, waxaana uu ahaa gool qariib ah iyadoo garoonka Benito Villamarin uu hal mar isla wada kacay.
Fekir ayaa dhulka ku dhacay ka dib cadaadis uu kala kulmay Ramos, qof walba ayaa u muuqday inuu istaagay marka laga reebo Sidnei iyadoo daafaca Real Betis uu dhameystiray kubad.
Laakiin daqiiqadii 3aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta Sidnei ayaa sabab u noqday in Real Madrid ay hesho goolka barbaraha markii uu rigoore ku galay Marcelo.
Waxaa rigoorada u soo istaagay Karim Benzema kaasoo gool u sarifay iyadoo ciyaarta ay noqotay barbaro 1-1 ah.
Qeybtii labaad ciyaarta waxay ku bilaabatay si qabow laakiin Real Betis ayaa heshay fursad loo qaatay inay gool tahay daqiiqadii 58aad markii uu Joaquin kubad dhex bixis ah la siiyay isagoo kubada la garab maray Courtois, laakiin bedelkii uu dhalin lahaa waxa uu damcay inuu kubada u celiyo Canales si uu u dhameystiro taasoo u ogolaatay Modric inuu kubada xariiqda goosha ku badbaadiyo.
Daqiiqadii 69aad Real Madrid ayaa iyadana heshay fursad dahabi ah iyadoo goolhaye Joel uu markii hore kubad ka beeniyay Modric ka hor inta uusan Mendy birta garaacin.
Real Madrid ayaa u muuqatay bartamihii qeybta labaad inay cadaadis saareyso Real Betis iyagoo weeraro isdaba joog ah sameyneysay ka dib markii uu Zidane bedel ku keenay Mariano Diaz, Ferland Mendy iyo Valverde.
Laakiin fakfaktoodii waxaa aamusisay Real Betis daqiiqadii 82aad ee ciyaarta markii Cristian Tello kubad dhex bixis fiican loo dhigay isagoo orod ku tayay goolka Real Madrid ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Courtois, xiddigii hore ee Barcelona ayaa u dabaaldegay si waali ah.
Advertisements
Dhamaadkii ciyaarta Real Madrid ayaa baadigoob xoogan ugu jirtay inay hesho goolka barbaraha iyadoo kubad madax aheyd oo uu Benzema uu soo tuuray ay u wada kaceen Ramos iyo Mariano Diaz laakiin garsooraha ayaa ka dhigay in qalad lagu galay goolhaye Joel.
Waxay ciyaarta ku dhamaatay 2-1 oo Real Madrid looga badiyay iyagoo iska dhiibay hogaanka horyaalka La Liga oo ay la wareegeen ka dib guushii La Liga.