Real Madrid ayaa guul ay u qalantay kala soo laabatay kooxda Getafe oo ay ku booqatay garoonka Coliseum Alfonso Perez, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 19-aad ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Real Madrid.

Daqiiqadii 34-aad kooxda Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddig naadiga Getafe ee David Soria.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53–aad Real Madrid ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Raphael Varane, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Toni Kroos.

Real Madrid ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta daqiiqadii 90-aad waxaana 0-3 ka dhigay Luka Modric.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-3 ay guusha ku raacday Zinedine Zidane iyo wiilashiisa kooxda Real Madrid, waxayna si ku meel gaar ah u qabteen hoggaanka horyaalka La Liga ee dalka Spain iyagoo haatan leh 40 dhibcood.