Saxeexii ugu dambeeyey ee Real Madrid ee bishii January, Reinier Jesus ayaa maanta soo gaadhay magaalada Madrid, waxaanu si toos ah caawa uga degi doonaa garoonka kooxda ee Santiago Bernabeu, halkaas oo ay ka dhacayso ciyaarta ay Los Blancos ku martigelinayso Celta Vigo.
Reinier oo ay da’diisu tahay 18 jir, ayaa usoo duulay waddanka Spain kaddib markii uu xulka qaranka Brazil ka caawiyey inuu usoo gudbo ciyaaraha Olaymbikada Adduunka, iyadoo uu goolal usoo dhaliyey dalkiisa marxaladdii isreeb-reebka ee dhowaanta qabsoomay.
Laacibkan ayaa lagu soo dhoweyn doonaa Bernabeu, waxaanu markii ugu horreysay gudaha u geli doonaa garoonka uu ka ciyaari doono sannadaha soo socda, hase yeeshee waxa kaliya uu ahaan doonaa daawade aan qayb ka noqnin kooxdiisa caawa.
Advertisements
Qorshaha Real Madrid ay u diyaarisay Reinier ayaa waxa uu yahay in loo diro kooxda heerka labaad ee Real Madrid Castilla oo uu kasoo ciyaaro inta ka hadhay xili ciyaareedkan, taas oo ay ujeedadu tahay inuu la qabsado ciyaaraha Yurub ee uu ku cusub yahay, laakiin uu kooxda waaweyn la qaato tababarka.
Xiddigan da’da yar oo Real Madrid kula midoobaya laacibiinta ay isku waddanka yihiin ee Casemiro, Marcelo, Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Militao, ayaa waxa uu xidhan doonaa lambarka 19 oo ah midka uu qarankiisa Brazil u xidho.