Kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo kabtankeeda Sergio Ramos ayaa isku af-garan la’ sida uu noqonayo heshiis cusub oo ay Los Blancos doonaysay in lagu kordhiyo qandaraaska hadda uu laacibkani kula jiro naadigiisa oo dhamaanaya badhtamaha sannadka dambe ee 2021.
Wada-hadallo ku saabsan qorshaha heshiis kordhinta oo u socday Real Madrid iyo Sergio Ramos ayaa caqabad cusub la kulmay, waxaana lagu warramayaa inay jirto hal arrin oo la isla fahmi la’yahay oo sabab u ah in mugdi uu galo waqtiga uu Ramos kusii sugnaan karo kooxdiisa.
Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in Sergio Ramos uu doonayo in heshiis laba sannadood ah uu doonayo, laakiin kooxda ayaa rabta in hal sano oo kaliya ay siiso, kaas oo marka uu dhamaadana ay mid kale usoo bandhigi doonto haddii ay ku qanacdo taam ahaanshihiisa caafimaad iyo bandhiggiisa, maadaama ay da’diisu dhamaadka bisha March noqon doonto 34 sannadood.
Marka uu xili ciyaareedka dambe dhamaysto, Ramos waxa uu geli doonaa da’da 35 jirka, waxaana doodda kooxdiisu ay tahay in marka uu da’daas gaadho ay habboon tahay inuu sii helo hal sano oo kaliya oo ku haya Santiago Bernabeu illaa uu 36 sannadood iyo bilo ka noqonayo, balse halgamaagan ayaa rumaysan in jidhkiisu u ogolaanayo inuu sannado badan oo kale sii ciyaaro, isla markaana uu doonayo in laba sannadood oo kale oo qandaraas ah la siiyo, taas oo ka dhigan in isaga oo 35 sannadood iyo laba bilood ay da’diisu tahay uu haddana laba sannadood oo kale saxeexi doono.
Siyaasadda Real Madrid ay kula dhaqanto ciyaaryahannada ay da’doodu ka weyn tahay 32 sano jirka ayaa waxay tahay in aanay siinin wax ka badan heshiis hal sano ah, kaas oo marka uu dhamaystana ay mid kale ka saxeexdo illaa ugu dambaynta ay ku kala tegayaan, hase yeeshee damaca Ramos ee ah in aanu sannad ogolaanin, ayaa waxa uu keenayaa in difaaca reer Spain uu raaco dariiq la mid ah Pepe oo Real Madrid uga tegay sabab tan oo kale ah.
Advertisements
Arrinta kale ee jirta ayaa waxay tahay, in Sergio Ramos uu doonayo in mushaharka uu hadda ka qaato Real Madid aanay waxba iska beddelin, kaas oo dhan 14 milyan oo Euro oo naqad aanay cashuuro la soconin ah, waxayse Los Blancos doonaysaa inay xoogaa hoos u dhigto si ay uga fogaato inay jabiso sharciga dhaqaale wanaagga ee FFP.
Si kastaba ha ahaatee, Sergio Ramos oo sannadkii 2005 ay Real Madrid lacag dhamayd 27 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Sevilla ayaa saddex jeer oo hore saxeexay heshiisyo uu waqtiga ugu dheereeyey Los Blancos, waxaana la eegi doonaa sida xaalku ku dambeeyo illaa bisha June ee soo aaddan.