Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo madaxda Soomaalida uga hormaray Jabuuti

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaadhay dalka Jabuuti, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha dalka Jabuuti iyo Masuuliyiin kale.
Abiy Axmed Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa goob joog ka noqon doona furitaanka wadahadalada dowlada Soomaaliya iyo  Somaliland, waxa uuna kaalin muuqata ku leeyahay qabsoomida wadahadalan.
Ra’isul Wasaaraha xukuumada Itoobiya oo xiriir fiican la leh madaxda dowlada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gacan weyn ka geestay isku keenista iyo wadahadalsiinta labada dhinac.
Waxaa sidoo kale wadahadalada marti galinaya qeyb ka noqon doona isna kaalin weyn ka geestay Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Geelle, waxaana la filayaa in wadahadalada sidoo kale qeyb ka noqdaan iyo wakiilo ka socda Mareykanka iyo midowga Yurub.