Qoys Wiilkooda oo laga xaday 30-sano kadib si lama filaan ah u helay !!

34 jir isaga oo yar laga iibsaday qoys aan ilmo dhalin oo ku nool 1,000 fogaan u jirta degmadii uu ku dhashay ayaa dib ula midoobaya labadiisa waalid kuwaas oo aan marnaba ka quusan raadintiisa.
Mao Yin wuxuu jiray laba sanno markii qafaashe uu bishii October 17, 1988 si aan la fahmi karin uga xaday waalidkii dhalay. Isaga iyo aabihiis Mao Zhenjing oo wada socda, waxay goob u dhow iskuul caruurta wax loogu dhigo u joogeen damaashaad, markii uu cunugan yari ka codsaday aabihiis inuu biyo usoo iibiyo.
In yar kaddib markii aabuhu kusoo laabtay goobta isaga oo inankiisa biyo u sida, wuu waayay. Taniyo markaas labada waalid waxay bilaabeen inay baadigoob u galaan inankooda iyaga oo waliba boorar ay sawirkiisa ku dhegan yihiin saaray meel walba. Xiriirkoodii joogtada ahaa ee kala dhaxeeyey booliskana, wuxuu noqday mid aan go’in.
Hadda, 32 sanno kaddib, ayuu si aan marnaba la fileyn ula midoobay labadiisa waalid.
In kasta oo ku dhawaad 30-kii sanno oo ay ku raad-joogeen baadigoobkiisa aysa marnaba ka quusan inay mar un helaan, hooyadiis waxay uga hartay shaqo oo dhan si ay meel walba uga raadiso – iyada oo horkacaysa ol’ole ballaaran kuna dhejinaysa boorar ugu yaraan magaalo