Manchester United ayaa guushii saddexaad xili ciyaareedkan ka qaadatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City, waxaanay ku karbaasheen 2-0.
Saddex mar oo hore oo laba ka mid ah ay ahaayeen Carabao Cup ayey labada naadi soo wada ciyaareen, waxaana ciyaartii Premier League ee Etihad iyo lugtii labaad ee Carabao Cup ee isla Etihad soo guuleysatay Manchester United, halka City ay kaliya lugtii hore ee Carabao Cup ee Old Trafford xoogsatay guushii u horseedday inay koobka tagto oo ay ku guuleysato.
Kulanka caawa ayaa ahaa midkii afraad ee xili ciyaareedkan, waxaana mar kale ku gacan sarreeyey Ole Gunnar Solskjaer oo noqday tababaraha afar kulan oo isku xiga saddex jeer ka adkaada Pep Guardiola.
Gool uu dhaliyey Anthony Martial oo kubbad layaab leh ka helay Bruno Fernandes iyo McTominay oo dhamaadkii ka faa’iidaystay qalad uu sameeyey goolhaye Ederson oo kubbad uu gacanta ku tuuray si toos ah lugta ugu saaray, kaas oo isaga oo aan qabanin uu si toos ah ugu toogtay goolka oo uu shabaqa dhex-dhigay.
Goolhaye oo goolka koowaad ee kooxdiisa laga dhaliyeyna qalad lagu saarayay, ayaa ceeb kala kulmay ciyaartan, waxaanu noqday xiddigii ugu qiimaynta hooseeyey dhamaan ciyaaryahannadii garoonka soo galay.
Xiddigii garoonka
Anthony Martial oo goolka koowaad dhaliyey, ahaana khatarta ugu weyn ee ay difaaca City waajahayeen ayaa waxa uu noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka.
Laacibka reer France waxa uu ku dhowaaday inuu dhaliyo goolal kale haddii uu inyar dedaalkiisa yara xoojin lahaa, gaar ahaan kubbado uu laag diciif ah ku ganay goolka isagoo diilinta dhex-taagan.
Martial waxa uu helay qiimaynta kulanka 8, waxaanay isku mid ahaayeen Fernandes oo sameeyey fursadda uu isagu dhaliyey, laakiin dhamaan ciyaaryahannada kale ee Manchester United ayaa helay min 7, taas oo caddaynaysa inay si adag oo wada-jir ah u shaqeeyeen min goolhaye illaa weerar.
Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood oo dhamaystiran
Man Utd: De Gea (7), Wan-Bissaka (7), Lindelof (7), Maguire (7), Williams (7), James (7), Matic (7), Fred (7), Shaw (7), Fernandes (8), Martial (8).
Beddelka: Bailly (5), McTominay (7), Ighalo (n/a).
Advertisements
Man City: Ederson (3), Cancelo (5), Fernandinho (6), Otamendi (5), Zinchenko (5), Rodri (5), Gundogan (5), B Silva (5), Foden (5), Sterling (5), Aguero (5).
Beddelka: Jesus (6), Mendy (5), Mahrez (6).