Mason Mount ayaa kusoo celiyey Chelsea jidka guusha, waxaana uu ku hoggaamiyey inay saddexd dhibcood ka qaataan toban ciyaartoy oo Fulham ah oo ay ugu tageen garoonka Craven Cottage, taas oo culayska ka dabcisay tababare Frank Lampard.

Chelsea ayuu kulankani u ahaa ciyaartii labaad ee ay saddex dhibcood ka helaan toddobaadkii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka, waxaana inkasta oo ay frusado badan iska khasaariyeen waqti dhamaadka 12 daqiiqadood ka hadhsan tahay goolka madiga ah u dhaliyey Mason Mount.

Fulham ayaa ku dhowaatay inay ciyaarta hoggaanka u qabato, waxaana kubbad goolka loo hordhigay khasaariyey Ivan Cavaleiro ka hor intii aan kaadh cas lagaga saarin Antonee Robinson oo qalad ku galay Cesar Azpilicueta.

Xiddigii garoonka

Mason Mount oo dhaliyey goolka kaliya ee ciyaarta, kooxdiisa Chelsea na u horseeday guusha ayaa noqday xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka.

Laacibka England ayaa fure u ahaa khadka dhexe ee  kooxdiisa, iyadoo uu khadka dhexe kasoo shaqaynayay, sidoo kalena uu weerarka kala qayb-qaadanayay, waxaana loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta, iyadoo uu helay qiimayntii ugu sarraysay kulanka oo ahayd 8.

Ma jirin laacib kale oo garoonka joogay oo helay qiimayntaas oo kale marka la isku daro dhamaan labada kooxood.

Ciyaartoyda Chelsea ayaa qiimayntoodu liidatay marka laga reebo Thiago Silva iyo Rudiger oo min 7 ka helay qiimaynta kulanka, iyagoo xakameeyey weerarka Fulham oo dhibaato badnaa.

Olivier Giroud, Christian Pulisc iyo Mendy ayaa Chelsea ugu liitay, waxaanay heleen qiimayn ah min 5, balse waxa iyagana kasii hooseeyey Robinson oo kaadh cas ku baxay.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood oo dhamaystiran:

Fulham: Areola (5), Tete (6), Aina (6), Andersen (6), Adarabioyo (7), Robinson (4), Reed (6), Anguissa (6), Dercordova-Reid (6), Lookman (7), Cavaleiro (6)

Beddelka: Abraham (6), Werner (5), Hudson-Odoi (5)

Chelsea: Mendy (5), Azpilicueta (6), Thiago Silva (7), Rudiger (7), Chilwell (6), Jorginho (6), Kovacic (6), Mount (8), Ziyech (6), Pulisic (5), Giroud (5)

Beddelka: Onomah (NA), Kamara (NA), Bryan (NA)