Toddoba xiddig oo waaweyn ayuu xili ciyaareedkan 2020/21 ku yahay ciqaab iyo mid adag oo ay la’ yihiin qaabkii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinka haysta, waxaanay sababta ugu weyni tahay in ciyaartoodu hoos u dhacday, ayna hadda u dhow yihiin inay kalsoonida lumiyaan.

Sidaas oo kale waxa ah Donny van de Beek oo Manchester United ay kaydka ku illowday, balse isaguna waxa uu la duruuf yahay labada laacib ee sare inkasta oo xaaladdiisu ay ka adag tahay oo aan xataa fursado laga siinin safka Ole Gunnar Solskjaer.

Marka laga yimaaddo laacibiintan cudur-daarka haysta, waxa jira ciyaartooyo kale oo ku dhibaataysan horyaallada waaweyn ee qaaradda Yurub, kuwaas oo duruufaha ay ku jiraan ay yihiin kuwo aanay haynin saansaantii ay kaga bixi lahaayeen.

Min Liverpool, Arsenal illaa horyaalka Spain ee LaLiga, loona sii dhaafayo waddanka Turkey, waxa jira siddeed laacib oo waaweyn oo dhibaato weyn ku jira, laakiin haddana ay qaarkood wali haystaan kalsoonida tababareyaashooda oo ay kusoo bilowdaan.

Xiddigan waxa kaalinta koowaad kaga jira weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino oo ay ku adkaatay dhalinta goolashu, laakiin haddana kooxdiisu rumaysan tahay inuu u qabto shaqo kale oo ah inuu xidhiidhiyo Sadio Mane iyo Mohamed Salah.

Abaartii goolal la’aanta ee ugu dheerayd Liverpool muddo 20 sannadood ah ee ay xili ciyaareedkan gashay, waxay caddaynaysaa in saddexda afka horeba ay isla dageen, laakiin midka ugu liita uu yahay Firmino.

Halkan kaga bogo siddeedda ciyaartoy

1. Roberto Firmino

2. Pierre-Emerick Aubameyang

3. Eden Hazard

4. Dele Alli

5. Miralem Pjanic

6. Mesut Ozil.

7. Gareth Bale.

8. Daniel Sturridge