Qaraxii ka dhacay Beirut wuxuu hoy la’aan ka dhigey 300,000 Qof waxaana ka dhashay khasaare dhan $ 15 bilyan.

Laba maalmood ka dib qaraxii weynaa ee ka dhacay Beirut tirada dhimashada waxaa la shaaciyay 135 qof iyadoo 5,000 ay ku dhaawacmeen,

Dadka ku hoy beelay ayaa 300,000 dhaafay iyada oo khasaaraha lagu qiyaasay inta u dhexeysa $ 10 iyo $ 15 bilyan, Marwan Abboud ayaa sida u sheegay TV-ga Al-Hadath
Khamiistii maanta

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa bookhday burburka waxaanu la kulmay dadweyne aad u badan.

Macron wuxuu sheegay inuusan u joogin inuu taageerayo xukuumadda dalkaasi wuxuuna sheegay in gargaarka Faransiiska uusan ku dhici doonin gacmaha musuq-maasuqa.

“Haddii dib-u-habayn la sameeyo, Lubnaan way sii socon doontaa,” ayuu yidhi Macron,sida oo kale waxa uu ku baaqaya wadahadal furan oo lala yeesho awooddaha siyaasadeed.

Maaddaama gargaarka caalamiga ahi uu ku sii qulqulayo Lubnaan, musuq-maasuqa ayaa wali ah mid welwel laga qabo ummad horey uga soo kabanaysay dhibaato dhaqaale oo ragaadisay tobaneey sano hadana dadka dalka ku dhaqan ayaa u adkeysan jiray koronto la’aan soo noqnoqota iyo adeegyada bulshada oo liita.

Cabdiraxmaan Rashiid Dalmar
Dhexnimo Media/Hargeisa
cabdiraxmaan800@gmail.com