Qarax Saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya
Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay lala eegtay kolonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, kuwaa oo marayay inta u dhaxeysa Xaafada Jamhuuriya iyo Masjidka Turkiga ee kuyaala degmada Kaaraan.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxa miino markii lala eegtay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi ay fureen rasaas xoogan oo cabsi badan ku beertay dadka degan xaafadaha Kaaraan.
Qaraxa miino ee lala eegtay ciidamada AMISOM ayaan la ogeyn in khasaaro kasoo gaaray kolonyadii ciidamada AMISOM, waxaana rasaasta ay fureen ciidamada AMISOM la sheegay in waxyeelo gaarsiiyay dad ka agdhawaa halka lagu qarxiyay.
Ciidamada AMISOM ayaa bishii hore isla goobtan lagu qarxiyay, waxaana rasaas ay xiligaasi fureen ciidamada AMISOM ku dhintay dad shacab ah , Ciidamada AMISOM ayaana rasaas aan loo meel dayin fura marka qaraxyo lala eegto.