Kooxda kubadda West Brom waxay maanta shaacisay inay shaqada ka caydhisay tababaraheedii Slaven Bilic oo kala soo dabbaashay illaa heerka labaad oo ay ku jirtay xili ciayareedkii hore.

Tababarahan reer Croatia ayaa birta la dhaafiyey kaddib barbarrihii ay West Brom la gashay Manchester City xalay, iyadoo ay dhibicdaasi ugu filnaan weyday inay u ilaaliso shaqadiisa.

War-saxaafadeed ay kooxdu soo saartay oo ay ku shaacinayso caydhinta tababare Bilic ayay ku tidhi: “West Bromwich Albion waxay maanta kala-tageen tababarihii kooxda koowaad ee Slaven Bilic. Tababare ku-xigeennada, Dean Racunica, Danilo Butorovic iyo Julian Dich ayaa sidoo kale kooxda si degdeg ah uga tegay.

Advertisements

“Maggies waxay waqtigan ku jirtaa kaalinta 19aad ee miiska kala-sarraynta Premier League iyadoo toddoba dhibcood ka heshay 13 ciyaarood.

“Albion waxay uga mahad-celinaysaa Slaven iyo shaqaalihiisa tababarka dedaalkii ay ku gaadheen inay kooxdu soo dallacdo xili ciyaareedkii hore, waxaanay u rajaynaysaa dhamaan mustaqbal wanaagsan.”

Bilic ayaa noqday tababarihii ugu horreeyey ee Premier League ah ee xili ciyaareedkan shaqada laga caydhiyo.

West Brom ayaa farriin ay ku daabacday barteeda Twitterka waxa kale oo ay ku shaacisay in Allardyce uu qalinka ku duugay heshiis uu kooxda kula wareegayo, isla markaana uu 18 bilood ahaan doono tababarahooda.

Bilic ayaa Salaasadii shalay waxa uu sii sheegay inuu deggan yahay, jecel yahay shaqadiisa, isla markaana uu si adag u shaqaynayo, waxaanu yidhi: “Aad ayaan u degganahay, waan jecelahay shaqadayda, waan ku raaxaystaa, si adag ayaananu u shaqaynaynaa aniga shaqsi ahaan iyo shaqaalaha kooxduba.

“Wax kasta oo kale maamulkayga wahy ka baxsan yihiin, kaliya sida ugu wanaagsan ayaan u shaqaynayaa.

“Ima dhibayso waxa ka dhacaya daaha dabadiisa, danna kama lihi.”

Bilic ayaa tababaraha West Ham ahaa muddo 18 bilood ah, waxaana ugu dambayn uu shandaddiisa qaatay maanta oo Arbaco ahayd.