Kooxaha horyaalka Premier League ayaa loo sheegay inay la yimaaddaan qorsheyaashii ay ugu dheeli lahaayeen garoomo albaabadu u xidhan yihiin oo aanay ku sugnayn wax taageereyaal ah toddobaadyada soo socda.
Waxa sii kordhaysa dareenka iyo baaqyada lasoo jeedinayo ee ah gebi ahaanba garoomada laga joojiyo inay yimaaddaan taageereyaashu si loo yareeyo khatarta faafitaanka xanuunka Coronavirus oo UK iyo dalalka kale ee Yurub ku faafaya, isla markaana labada waddan ee Italy iyo France dad badan ku laayey.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa kooxdii ugu horreysay ee Premier League ka tirsan u sheegay inay noqon doonto naadiga ugu horreeya ee Ingiriis ah ee garoon madhan ku ciyaari doonta, waana Wolves oo waddanka Giriiga kula soo ciyaari doonta Olympiakos oo ay jilbaha isku dhigan doonaan lugta hore ee wareegga 16-ka Europa League.
Inkasta oo laga joojiyey inay garoonka galaan, haddana waxa la sheegay inay safreen jamaahiir badan oo Ingiriis ah oo ay kusii jeedaan Giriigga, kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ka daawan doonaan ciyaarta.
Shir shalay ka dhacay magaalada London oo ay Waaxda Dhaqanku u qabatay Warbaahinta iyo tababareyaasha, waxa la iskula qaatay in aanay jirin tallaabo degdeg ah oo ay tahay in hadda fulinteeda loo dhaqaaqo, laakiin waxa la isku iftiimiyey in la isku diyaariyo tallaabooyin lagu yaraynayo faafidda xanuunka Coronavirus, kuwaas oo ay qayb ka noqon doonaan in taageereyaal la’aan ay ku ciyaaraan kulamada usbuucyada soo socda.

Xoghayaha waaxda Dhaqanka, Oliver Dowden ayaa shirka ka sheegay in aanay haynin sabab ay ku joojiyaan dhamaan ciyaaraha, laakiin ay hayaan qorsheyaal ay ka mid yihiin in garoomada laga xayiro taageereyaasha.
Si kastaba, tababareyaasha ayaa kulankaas kasoo baxay iyadoo loo sheegay inay isku diyaariyaan in kulamada soo aaddan ay suurtogal tahay inay taageereyaal la’aan ahaan doonaan, laakiin go’aan rasmi ah aan lasoo siinin.