“Petr Cech Ayaa Tababarka Kaga Fiicnaa Goolhayayasha Chelsea Kahor Imaatinkii Mendy” – Kepa Iyo Caballero Oo Ceeb la Dhex Dhigay

Goolhayihii hore ee kooxda Chelsea ee Mark Schwarzer ayaa ceeb dhex dhigay labada goolhaye ee kooxdiisii hore ee Kepa Arrizabalaga iyo Willy Caballero xilli uu amaan ugu qubeeyay Petr Cech oo 2019-kii gabi ahaanba hawl-gabay.

Chelsea ayaa suuqii dhawaa heshiis 20 Milyan oo Pound ah kula soo wareegtay Edouard Mendy si ay tartan dhab ah u geliso Kepa Arrizabalaga iyo Caballero oo xilli ciyaareedkii hore booska dookha 1-aad wadaagayay sababtoo ah joogtay la’aan ay muujiyeen.

Haatan Mark Schwarzer ayaa sheegay inuu soo gaadhay warka ah in Petr Cech oo dhawaan lagu daray liiska 25-ka xiddig ee Chelsea u meteli kara Premier League xilli ciyaareedkan uu ka fiicnaa Kepa iyo Caballero,

Advertisements

Goolhayaha hore ee ree Austria oo u warramay Octapus Sports ayaa yidhi “Fahmadayda, isagu wuu ka wanaagsanaa goolhayayaasha Chelsea, laakiin tani waxa ay ahayd kahor intii uusan Mendy iman kooxda”

“Isagu waxa uu u ciyaarayay oo uu u tababaranayay si ka wanaagsan goolhayayaasha Chelsea, kaliya waxa uu sheegayay inuu wanaag dareemayo”

Cech ayaa ahaa mid kamida goolhayayaasha ugu wanaagsan taariikhda Chelsea isaga oo kula soo guuleystay afar horyaal Premier League, afar FA Cup iyo Champions League iyo Europe League labadaba intii lagu jiray 11-kii sano ee uu kusoo qaatay Stamford Bridge.

Intaas kaddib Cech ayaa ka tagay Chelsea sanadkii 2015 kaddib markii uu xulashada kaga hoos maray Thibaut Courtois waxaana uu afar sano oo kale ku qaatay Arsenal.

Ugu dambayn, Warka kasoo yeedhay Mark Schwarzer ayaa ceeb gaar ah ku noqonaya Kepa Arrizabalaga oo 26 sano jir ah maadaama Caballero uu da’ ahaan Cech qudhiisa ka weyn yahay.