Odhaahii Ugu Qosolka Badnaa ee Laga Qoray Robert Mugabe

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

 

Waxa aan halkan ku soo ururiyey qaybo ka mid ah odhaahii ama hadaladii ugu qosolka badanaa ee laga qoray madaxweynii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe kaas oo dadka kaga qoslin jiray hadalo badan xiligii uu wadankaasi xukumi jiray.

 

  • Hadeey Daanyeeradu lacag lahaan laayeen
    Waxaa la arki lahaa dumar fara badan oo Duurka kunool

 

  • Waxan u jeeda gabdho badan oo marka ay saaxiibkood u tagaan ku xidha telephone-kooda Flight Mode My sisters maalin unbay diyaaradaasi qarxi doontaa.
  • Haddii aad u dirtid $3 oo hadana ay kusoo dirto message ah “Please isoo wac call-ka” gabadhaa guurso maxaa yeelay waxay taqaan lacagta sida loo dhigo.
  • . Iskaga fagow kuwa kusoo dira Message goorta aad so post garayso Sawir Qurxoon.
  • Africa ku dhex koritaan keeda wa adagtahay, wakhtiguba waxuu kugu dhaafaya iyado lagu leeyahay faqrigu waa qayb kamida Dhaqanka dadka african-ka ah.
  • Tayada camerada aya ka dhigi karta gabdhaha qaar in aysan kula level ahayn, my brother xaqiiqda ka danbeysa camerada tayada leh ayaa ah fakhri iyo gaajo.
  • Africa wa qaarada ay dumarku diidan raga fiican yeelaana raga xun, qaadaana niyad jab, ragoo dhanana eedeeya.
    Wa dad khal khal san.
  • Manchester United waxa loo ogalaaday in ay isticmaasho labo gool-haye si ay u gala hortagto barcelona sabobo la xidhiidha dhanka amniga.
  • Ma jirto cid ku taagerta siday ku taageeraan saaxiibada aad ku ledahay social media adigoo waliba la kulmin.
  • Hadii aad doonayso in uu odaygu/xaajigu uu kula joogo jikada/mad-bakha kaliya waxa samaysaa kasoo qaad moobaylkiisa waxad ka tira idhiib toosh ba ka dhiganayaa isaga automatically kula joogi doona mad-bakha/jikada illa ad ka dhamaynayso shaqada.
  • Asxaabtaadu gaadhiga way kugu wadi karaan marka aad tagayso xaflad, laakiin marka aad waraysi shaqo aad heshay tagayso waligood gaadhiga kuguma wadayaan.
  • Quruxdu maha wax markaba la helo marka aad tagto wadan qalaad/ dibada ah… Xataa waxaad foolxuman karta ado joga Dubai.
  • Xidhiidh bilaa Aaminaad ah wa sida telephone bilaa Internet ah
    Bal maxa ku fali lahyd telephone bilaa internet ah?!.
    My brother Game kalliya ayaad ku ciyaari lahyd.
  • Babe waxa tahay iftiinka qoraxda,
    Xabibi waxa tahay roob iyo hilaac,
    Macaanto dayax shan iyo toban aya tahay.
    My brother ma barnaamij saadasha hawada aya tirinaysa mise gabar ayaad shukaansan.
  • Qof waliba waxa uu doonaya Run, My brother laakiin ma jiro qof doonaya inuu daacad ahaado.
  • Marka ay dadku ku idhahdaan..
    ‘Waad is badashay!’
    Taas macnaheda ugu dhaw wa waxaad joojisay la noolanshaha aad kula nolan jirtay sharciyadooda..
  • waan ku xiisey”
    “sidoo kale wan ku xiisey”
    Wa qayb kamida heesaha caanka ah e xidhiidhka labada qof e kala fog.

 

Lasoo Qaybta 2aad

 

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Dhexnimo Media

Hargeysa somaliland

Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com