Saraakiisha xisbiga hantiwadaaga ee laga mamnuucay Ciraaq ee Bacath ayaa shaaca ka qaaday in uu geeriyooday hogaamiye caan ah oo ka tirsanaa xisbigaas oo la yirhaado Cizat Al Dowri kaas oo da’diisu lagu sheegay 78.

Cizzat wuxuu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Ciraaq xilliggii uu dalkaas ka talinayay Saddaam Xuseen.

“Gudaha dhulka Ciraaq iyo dhulka halyeeyada ee mujaahidiinta waxaa ku geeriyooday Cizat Ibraahim Al Dowri oo ka tirsanaa xisbiga Bacath iyo dhaqdhaqaaaqa iska caabinta ee qaranka ah” ayaa lagu yiri cod lasoo geliyay bogga Facebook uu ku leeyahay xisbiga.

Al Dowri wuxuu dhashay 1-dii bishii July sanadkii 1942-dii, wuxuu qabtay hoggaanka xisbiga kaddib markii la dal dalay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen dabayaaqadii sanadkii 2006-dii.

Bishii April ee sanadkii 2015-kii, dowladda Ciraaq waxay shaacisay in Cizat Al Dowry iyo ilaaladiisa lagu dilay meel u dhaw buuraha Xamreyn oo dhaca waqooyiga caasimadda Baqddaad, balse waxaa la xaqiijiyay in warkaas uu been ahaa.

Lamana ogo kaalintii uu ka qaatay ninkan howgalkii ka dhanka ahaa duullaankii Mareykanka ee Ciraaq balse waxaa soo baxayay codad uu soo duubay ninkan oo uu ugu baaqay shacabka inay sameeyaan iska caabin.

Taariikhda Cizat Al Dowri

Al Dowri wuxuu ku dhashay deegaanka Al Dowr oo u dhaw magaalada Tikrit isla markaana ay ku taallo tuulada Al Awja oo uu ku dashay Saddaam Xuseen.

Al Dowri wuxuu kasoo jeeday qoys sabool ah, markii uu dhalinyarada ahaa wuxuu ahaa kamid ahaa dadkii ugu firfircoonaa ee ka tirsanaa xisbiga Bacath.

Wuxuu Saddaam Xuseen kala qeyb galay kacdoonkii 17-kii bishii July sanadkii 1968-dii ee xilka looga tuuray madaxweynihii dalkaas Cabdulraxmaan Cariif, markii dambe waxay bilaabeen xisbiga Bacath.

Mararka qaarkood, Al Dowri wuxuu ka qeybgeli shirarka muhiimka ah isaga oo matalayo Saddaam Xuseen
Qoraalka sawirka,Mararka qaarkood, Al Dowri wuxuu ka qeybgeli shirarka muhiimka ah isaga oo matalayo Saddaam Xuseen

Sanadkii 1993-dii Al Dowri wuxuu ka qeyb qaatay olole loogu magac daray ‘fidinta caqiidada’ oo ay maalgelisay dowladdii Ciraaq kaas oo looga gollahaa xoojinta arrimaha diinta islaamka.

22-kii Bishii Nofembar sanadkii 1998-dii , Al Dowri wuxuu ka badbaaday qorshe la doonayay in lagu dilo xilli uu booqasho ku marayay magaalada Karpala ee koonfurta caasimadda Baqddaad.

Wuxuu ahaa ku-xigeenkii golaha sare ee kacaanka Ciraaq tan iyo sanadkii 2003-dii markii ciidamadii Reer Galbeedka ee uu hogaaminayay Mareykanka ay xilka ka tuureen Saddaam Xuseen.

Wuxuu kamid ahaa raggii sida weyn loo doon doonayay ee ka tirsanaa xukuumaddii Saddaam Xuseen.

Mareykanka wuxuu ninka dul dhigay toban malyan oo doolar ciddii soo sheegta halka uu ku sugan yahay Al Dowri.

Waxaan la rumeysan yahay in Al Dowri uu la xanuunsanaa kansarka ku dhaca dhiigga isla markaana lix bilood kasta loo shubi jiray dhiigga.

Wargeyska New York Times ayaa soo xigtay Al Dowri oo digniin u diraya Kurdiyiinta Ciraaq.

“Haddii aad hilmaanteen dhacdadii Xalabja, waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar u nahay in aaan dib idiin kuugu celino dhacdadaas”

Al Dowri wuxuu hadalkaas ugala jeeday xasuuqii Xalabja ee kumanaan qof ee kurdiyiinta ah lagu dilay magaalada Xalabja kaddib markii lagu weeraray kimiko.

Gabar uu dhalay Al Dowri waxaa guursaday wiil uu dhalay Saddaam Xuseen oo la oran Cuddey kaas oo isla hal maalin ah lagu dilay meel u dhaw magaalada Mowsil isaga iyo walaalkii Qusey xilligii uu socday dagaalkii uu Mareykanka ku qaaday Ciraaq sanadkii 2003-dii.

Source: BBC SOMALI