Horraantii bishan, nin dilaa ah ayaa markii toddobaad ka baxsaday xabsi ku yaalla Taliyaaniga. Waxaa hadda ninkaas laga soo qabtay meel beer ah uu ku dhex dhuumanayay, sida boolisku sheegeen.

Giuseppe Mastini, oo lagu naaneyso “Johnny the Gypsy”, ayaa si kooban oo ku meel gaar ah bannaanka looga bixiyay xabsiga, 6-dii bishan, ka dib ayuu dhuuntay ciidankii ilaalinayay.

Booliska oo billaabay in ay raadiyaan, waxay markii dambe ka heleen meel beer ah oo ku taalla deegaanka Sassari ee Waqooyi-galbeed, Taliyaaniga.

Mastini, oo markii ugu horeysay, ee 1987-dii, ka baxsaday xabsiga, waxaa la sheegay in dembigii ugu horreeyay ee halis ah uu geystay isagoo 11 sano jir ah.

Ka dib markii uu baxsaday, 1987-dii, waxaa la raadinayay muddo laba sano ah, waxaana xilligaa uu dilay mid ka mid ah askartii ku raad-joogtay, wuxuuna afduubtay gabar yar, sidoo kale wuxuu geystay falal dhac ah.

Soo qabashadiisii hadda waxaa ka wada qeybgalay booliska Sassari, Cagliari iyo Rome, waxayna ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen talaadadii.