Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa lagu eedeeyey inuu arrimo dhaqan xumo ah ku kacay usbuucii ugu dambeeyey ee uu dhaawac ku maqnaa, isla markaana uu xidhiidh la sameeyey xaaska xiddig caan ah.

Neymar ayaa seegay ciyaartii ay usbuucii hore kooxdiisu ku garaacday Barcelona, waxaana hadal haynta ugu badan ay ahayd sida uu ugu soo kaban karayo kooxdiisa iyo haddii ay u jabi karayaan marka ay tagaan Camp Nou.

PSG ayaan kulankaas dareemin maqnaanshaha Neymar, waxaana saddexlay u dhaliyey Kylian Mbappe iyo mid kale oo uu ku daray Moise Kean, iyagoo lasoo laabtay guul weyn oo 4-1 ah.

Laakiin Neymar ayay hadal hayntiisii isku beddeshay qaab kale, waxaanay warbaahintu ka sheekaynaysaa ficil doqoniimo ah oo uu ku kacay oo ah inuu xidhiidh la sameeyey gabadha quruxlayda ah ee lagu magacaabo Chiara Nasti oo ah xaaskiga xiddiga Roma ee Nicolo Zaniolo.

Sida uu qoray wargeyska Talyaaniga kasoo baxa ee Chi, Neymar ayaa la dhacsanaa Nasti oo uu xidhiidho joogto ah la samaynayay, waxaana uu si joogto ah uga fal-celiyaa qoraallada iyo sawirrada ay soo dhigto barteeda Instagram, isagoo u saara calaamadda ‘LIKE’ iyo mararka qaarkood oo uu falanqayn ka bixiyo.

Wargeyska ayaa soo bandhigay caddaymaha qoraallada uu Neymar ku hoos qoray sawirrada Chiara Nasti iyo falcelinta kale ee uu ka sameeyeyba .

Arrinta layaabka leh ee uu wargeysku bannaanka keenay ayaa waxay tahay in dhawr jeer uu Neymar isku dayay inuu shukaansado gabadhan, iyadoo uu sidoo kalena telefoonka kala xidhiidhay.

Nasti oo aanay wali si rasmi ah isku guursanin Zaniolo, xidhiidhkooduna ku kooban yahay saaxiibtinimo ayaa waxay albaabada ka xidhatay Neymar oo ku fashilmay isku daygiisa.

Si kastaba, Zaniolo iyo Nasti ayaa maalintii jacaylka Adduunka ee badhtamihii bishan waxay bartooda bulshada soo dhigeen sawir ay ku wada jiraan oo ay ku xaqiijinayaan in xidhiidhkoodu qoto dheer yahay.