Dowlada Masar ayaa Gollaha Ammaanka Qaramada Midoobay ugudbisey Xiisada biyaha Wabiga Niil ee kala dhaxaysa Wadanka Ethiopia.

Sidoo kale Masar ayaa heshiis dib ucusboneysiin iyo dayactir diyaaradaha dagaalka ee Helicopterka ah la gashay Wadanka Mareykanka.

Heshiiskan oo ku kacaya 2.3 billion oo dollor ayay Wasaarada Difaaca Mareykanku gadhwadeen ka noqoneyaaa, wuxuuna Heshiiskan dhaqangalayaa Isla Todobaadkan.

Heshiiskan Masar ay la gashay Mareykanka ayaa ah heshiiska sarey uqaadaya Awooda Diyaaradaha Helicopterka ah ee Masar iyadoo Teknoolajiga Casriga larabo iney la jaanqaadaan.

Sidoo kale Masar ayaa Todobadkan soo iibsatey Doomaha Dagaalka oo Casri ah, iyadoo Xoojinayeysa khadka difaaca Xeebaheeda.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay dowlada Ethiopia Qorsheynayso iney bilaha soo socdo bilowdo Buuxinta Biyo Xidheenka Abay, balse ay ka biyo diidsan yihiin Wadamada Ree Galbeedka iyo Gollaha Jaamicada Carabta oo gacan siinaya Dowlada Masar.

FG: Xiisada iyo Arimo kale oo Muhiima oo aan ku Falanqeynayn doono Xiisada Biyaha oo Heerkii ugu sareysay Maraysa la Soco Bari Insha allh.

W/Q Shardiid Macalin.