Muxuu Yahay Rikoodhka Aanu Wali Lionel Messi Gaadhin Ee Xalay Uu Dhigay Cristiano Ronaldo?

Xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa rikoodh kale oo cajiib ah dhigay xalay, waxaana uu sare usii qaaday guulihiisa qurxiyey CV-giisa, kaddib markii uu shabaqa soo taabtay ciyaartii ay xalay kooxdiisu 3-1 ku garaacday Sasuolo.
Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii 15aad ee xili ciyaareedkan oo uu saftay, waxaana uu goolkiisani ahaa midkii 15aad ee uu dhaliyo 15 xili ciyaareed oo xidhiidh ah, waxaanu sidaas ku noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee dhamaan shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub 15 sannadood oo isku xiga ka dhaliya ugu yaraan min 15 gool.
Laacibka reer Portugal ayaa markii ugu horreysay ee uu tiro laba god ah uu dhaliyo ay ahayd xili ciyaareedkii 2006-07 oo uu u ciyaarayay Manchester United, waxaanu waqtigaas saxeexay 17 gool 34 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu saftay.
Xiddigan oo 36 jir noqon doona bisha dambe ee February, ayaa wali sii wata wacdarihiisa, waxaana uu horyaalka Serie A ee waddanka Talyaaniga ka dhigay rikoodhkiisan ugu dambeeyey.
Xili ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa dhinaca gool-dhalinta ayuu Ronaldo kusoo qaatay waddanka Spain, waxaanay ahayd 2014-15 oo uu dhaliyey 48 gool oo horyaalka LaLiga ah isagoo dheelay 35 ciyaarood oo kaliya, taas oo ka dhigan in labadii ciyaaroodba uu dhalinayay saddex gool.
Lionel Messi ayaa ahaa xafiiltamaha ugu weyn ee ay xafiiltamayeen muddadii uu garoomada ku jiray ayaa isaguna 15 gool dhaliyey 12 xili ciyaareed oo xidhiidh ah, waxaana uu goolashiisa soo bilaabay xili ciyaareedkii 2008-09 oo uu 11 gool ka dhaliyey horyaalka LaLiga, halka uu sannadkana saxeexay 13 gool.
Laakiin arrinta cajiibka ah ee Ronaldo farxadda gaarka ah u ahayd xalay ayaa waxay tahay, in Sassuolo ay ahayd kooxdii uu goolkiisii ugu horreeyey ee Serie A ah ka dhaliyey markii uu ku biiray Juventus, waxaanay ciyaartaas oo ku dhamaatay 2-1 ay Juventus guushu ku raacday ay dhacday September 2018kii.