Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa kaddib kulankii ay xalay guusha weyn kasoo gaadheen dhigooda West Bromwich Albion ka hadlay in Chelsea ay macalin u magacawday Thomas Tuchel oo ay hore isku soo arkeen.

Imaatinka tababaraha ree Germany ee Stamford Bridge ayaa xalay si rasmi ah loo shaaciyay waana maalin kaddib markii shaqada laga diray ninka uu bedelay ee Frank Lampard.

REVEALED: Guardiola wanted Dortmund boss Tuchel to replace him at Bayern

Guardiola iyo Tuchel ay hore iskugu soo arkay horyaalka Bundesliga iyadoo uu Tuchel hoggaan u yahay kooxaha Mainz iyo Borussia Dortmund isla markaana uu Pep macalin u ahaa Bayern Munich.

Pep oo xalay ka hadlay aragtidiisa in Chelsea ay magacawday Tuchel ayaa ku sifeeyay tababare khaas ah isla markaana uu ku faraxsan yahay in saaxiibkii uu ku arko England.

Guardiola ayaa markii wax laga weydiiyay arrimaha TT yidhi “Soo dhawaw, isagu waa tababare khaas ah, waan hubaa inuu guuleysan doono, waan ku faraxsanahay inaan isaga ku arko halkan dalkan gudihiisa”

“Markii aan joogay Bayern Munich isaga waxaan kaga hortagay Mainz, xilli ciyaareedkaygii ugu dambeeyayna Dortmund waxa uu qabtay shaqo cajiib ah”

“Qaabka ay Dortmund u ciyaartay waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan, in badan ayaanu dagaalanay si ay Bayern Munich horyaalka ugu guuleysato, isagu waa saaxiibkay, waan ku faraxsanahay inaan isaga arko”

Tuchel ayaa Dortmund kula soo guuleystay koobka DFB Pokal halka uu PSG lasoo qaaday laba horyaal Coupe De France, Coupe De La Ligue iyo waliba Final-ka Champions League oo uu gaadhsiiyay.