MUUSE ISMAACIIL QALINLE: HOOBAL HOODO KU LAHAA FANKA

Muuse Ismaaciil Qalinle oo dadka badankiisu u yaqaanaan Qalinle waa hoobalada ugu waawayn ee Soomaalida. Waa heesaa hoodo iyo nasiib ku lahaa fanka. Durbadii ba markii uu masraxa fanka soo halabsaday wuxuu noqday hoobal xidig tilmaaman ka noqday masraxa fanka. Hoobalka loogu jecel yahay hoobaladii wakhtigaa fanka ku jiray ee waawayn ayuu noqday. Hibo faneed dhab ah ayuu masraxa la yimid. Shacbiyad weyn ayuu fankiisu mutay markiiba bilawgii geedigiisa faneed. Dadka fanka falanqeeyaa waxay aaminsan yihiin inuu hogaanka xiddiga xidigaha hobalada uu qori isu dhib ku soo simay hoobalka Xasan Aadan Samatar. Macnoow Xasan baa aad u qarxay fan ahaan Qalinle dabadii oo wacdaro diwaangalay fanka masraxa ka gaystay.

Muuse Ismaaciil Qalinle nolol ahaan wuxuu ahaa nin raacato ah. Wuxuu ku dhashay kuna barbaaray miyiga ka hor intaanu noqon hoobal shaacbaxay. Waa ka hor intaan dhegahii shacbigii Jamhuuriyadii Soomaaliya si isku mid ah u wada dhegaysan codkiisa. Qalinle wuxu dhashay sanadkii 1948kii. Waxa uu ku dhashay deegaanka Salaxlay ee duleedka koonfureed Hargaysa. Caruurnimadiisii wuxu ku barbaaray jiida deegaanka Salaxay ilaa Awaare ilaa uu ka noqonayay wiil barbaar ah oo taabagal ah halkaas ayuu joogay. Ilaa dhalaanimadiisii fanku wax ku abuuran buu ahaa. Jacaylka uu fanka u qaaday Qalinle waxa uu ka bilaamayaa ciyaaraha ciyaar-duleeda. Wuxuu aad u jeclaa xariifna ku ahaa ciyaar-duleeda. Dabcan inuu qalambaawi weyn ku ahaa ciyaaruhu waxa ay ka dhex muuqatay markii dambe noloshiisii faneed qaybna waa ay ka ahayd baa la odhan karaa in uu najaxo fankiisii wanaagsanaa ee uu taariikhda ku galay. Ciyaarida ciyaar-duleeda Soomaalidu way sii carbisaa ruuxa noqonaya hoobal rasmi ah. Waayo rhythm oo ah qiyaasta ugu yar miyuusiga ayuu ku barbaaraa oo u bislaadaa. Hagaajinta Jiibta iyo jaanta ciyaarta ayaa laylisa ruuxa hadhawna anfacda marka uu masrax faneed rasmi ah uu tago. Waa ta imika fanaaniinta cusub ka dhiman midhkaasi ee loo yidhaa fanaaniintan dambe xariifiin kuma ah fanka.

Badhtamihii lixdanaadkii ayuu Muuse I. Qalinle u soo wareegay dhanka magaalada. Waxa uu yimid magaalada Hargaysa. Halkaas oo uu ganacsi yar ka bilaabay. Wuxuu noqday Muuse bacadle, shaqadaas ayuu mudo ka shaqeeyay. Mudadaa uu ku fooganaa ka ganacsiga dharka wuxuu Muuse ku xidhnaa dhagaysiga raadiyaha. Wuxuu jeclaa inuu dhagaysto radiyowga si uu u dhagaysto fanaaniintii ka waawaynayd ee waagaa fanka ku jirtay. Wuxuu si aad ah u jeclaa fanaaniinta fankooda iyo masraxooda. Kadib wuxuu bacadle ahaadaba wuxuu ku biiray fanka oo ahaa hiwaayad uu ilaa dhalaanimadiisii jeclaa.

Waxa la rumaysan yahay in markii ugu horaysay taariikhda ee uu hoobalkii weynaa ee Muuse Ismaaciil Qalinle fanka ku soo biiray ay ahayd hilaad ku siman sanadkii 1969kii. Waa bil amaara markii uu dhacay afgambigii kacaankii uu hogaaminayay askarigii Maxamed Siyaad Barre ee uu awoodii dalka kula wareegay. Dabayaaqadaa lixdanku waa xili u aawanaa fanka Somaliga ah. waxaa fanka soo galay raacii labaad ee fanaaniin ah ee caan ku noqota fanka. Ma Sahraa ma gacaytaa ma Axmed Moogaa ma Hibo Nuuraa ma Cigaal baa ma Maryan baa ma Maxamed Moogaa adigu wad uun waa wada xididigo ka wada dhex iftiimay masraxa fanka Soomaalida hoobalada wakhtigaa ku soo biiray fanka.

Waxa la odhan karaa fanka dahabka ah ee Qalinle waxa uu la kawsaday tawradii Somaliya. Hayeeshee sida uu Qalinle sheegay markii ugu horaysay ee uu masrax soo istaago ee uu ka heesaa waxay ahayd sanad kadib 1969kii oo ah 1971kii. Heeskii ugu horeeyay ee uu idaacada u qabtaa waxa ay ahayd heeska Ma iska daba maqiiqaa ee caanka noqotay. Waxaanay ahayd isla sanadkaa 1971kii. Xiligani sidoo kale waa markii uu noqday fanaan muuqda oo lagu daawado masraxyadii fanka ee waagaa jiray. Ugu horaynba waxaa uu noqday maraxii ugu horeeyay ee uu Qalinle ka heeso kan Beerta Xoriyada ee magaalada Hargaysa. Heeskii uu horeeyay ee uu meel fagaare ah ka qaaday Qalinle wakhtigaa waxa ay ahayd hees wadani ah oo uu lahaa abwaankii waynaa ee Sulub Cumar.

wuxuu markiiba nasiib u yeeshay inuu ka qaybqaato riwaayado badan oo caan ahaa. Dabcan qaarkood masraxiyadaa wuxuuba ahaa xiddiga kowaad. Riwaayadahaa badan ee uu ka qaybgalay waxa ka mid ahayd masraxiyadii Ninna Waal Ninna Waani ee uu lahaa curinteeda Alle ha u naxariistee abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf. Riwaayadan waxaa la rumaysan yahay in ay ahayd tii uu caanka ku noqday Qalinle dhanka riwaayadaha.

Intaa wixii ka dambeeyay fankii nasiibka yeeshay ee Qalinle wuu sii caan baxayay aadna bulshada Soomaalidu ay u jeclaysatay. Waxa uu sameeyay wax soo saar faneed oo ashqaraar noqday. Waa wax soo saarkii faneed ee uu hormuudka ugu noqday dunida heesaha iyo masraxa Soomaalida. Wuxuu soo saaray heesihii uu caanka ku noqday ee fankiisa shaanshaan ka riday. Heesihii “Dardaaran” iyo “Qalam Jalam” ayaa mar soo wada baxay oo suuqa heesaha ee waagaa qabsaday. Heeso aad loo xiiseeyay oo caan noqday ayay ahaayeen. Waxa aan filayaa inay ku jireen labaduba masraxiyadii Alle ha u naxariistee Xasan Qawdhan Yuusuf ee Ninna waal Ninna waani ee horaantii toddobaatameedyadii. Wax yar ka dib heesahaasi markii ay qabsadeen suuqa dhagaysiga muyuusiga ee Soomaalida waxa Iyana soo baxay heeksiisii “Goormaynu derisnaa” ee ay isaga iyo hoobaladii weynd ee Sahra Axmed Jaamac kuwada luuqeeyeen. Waa hees kulmisay laba hoobal oo taariikh weyn ku yeeshan fanka Soomaaliga ah. heeskaasi wakhtigaa bulsho soomaaliyeed oo aad u badan ayay saamaysay oo jeclaystay. Sidoo kale isaguna wuxuu ahaa hees ku jiray riwaayadii Kas dumar iyo kadalob rag kiiba maaha oo uu lahaa abwaan Maxamed A. Dacar. Riwaayadaa waxa la dhigay sanadkii 1976kii oo aad looga jeclaystay masraxyadii Jamhuuriyadii guuldaraysatay ee Somaliya.

Kadib wakhtigaa, Qalinle waxa uu noqday hoobal weyn oo ka mid ah hobalada hormuudka ah ee Soomaalida. Kooxo kala duwan oo ahaa kooxihii ugu caansanaa kooxaha fanka ee Soomaaliya ayuu la soo shaqeeyay. Waxa ka mid ahayd kooxdii farsamada tumista muyuusiga Soomaalida looga hadhay ee Onkod. Mudo ayuu la soo shaqeeyay. Waxaa ka mid ahaa hoobalada magaca weyn leh ee uu kooxdaa kula kulmay Kinsi Xaaji Aadan, Jiim Sheekh Muumin, Sahra Mire Waheliye, Axmed Saleebaan Bidde iyo Canab Diiriye.

Qalinle waxa lagu tilmaamaa waa hoobalka dhanka heesaha talantaaliga ugu badan fanaaniinta Soomaalida. Si kale hadii aynu u nidhaah waa fanaanka hablaha ugu badan la heesay. Waliba waxa uu la heesay mudantii dhanka hablaha. Hablo badan oo kala duwan oo misna kala xili ahaa ayuu masrax kula kulmay oo waliba heeso darandoori ah ay wada qaadeen. Hablahaa fanaaniinta waawayn ahaa uu la heesay Qalinle waxan ka xusuustaa:
1. Maandeeq Cabdillaahi Kaahin
2. Xaliimo Khaliif Cumar “Magool”
3. Sahra Axmed Jaamac
4. Sacaada Allaale
5. Sahra Siyaad
6. Saado Cali Warsame
7. Kinsi Xaaji Aadan
8. Sahra Mire Waheliye
9. Canab Diiriye (Canab CabdiGahayr)
Iyo qaar kale badan iyo qaar kaloo badan.
Waar ninku ba’anaa! Waaba hablihii intii ugu mudnayd ayuu u babac dhigay oo uu nasiib u yeeshay inuu la heeso. Waa nasiibyada u gaarka ah ee Qalinle qayrkii dheeraa ee u gaarka ahaa. Waxaa xusid in muuqaal laga hayo Qalinle oo matalaya mid ka mid ah riwaayadihii uu matalay gaar ahaan intii dambe ee noloshiisa. Sida uu ii sheegay Nagiib Axmed Xaash oo ah nin fanaan ah oo aqoonyahan ah waxa yaala canjaladii riwaayadaa laga reebay. Waa dukamanti aad u qiimo badan oo dhaxalka waligeed u ooli doona jiilaasha dambe. Inta badan hoobaladii waawaynaa ee soo maray taariikhda way yartahay in muuqaal laga reebo iyagoo riwaayad dhamasytiran sida oo soo bandhigaya. Badi inta wax laga hayaana waa kuwo noloshu ku sintay oo u badan intii ay waynaadeen show ay meelo dalka ka baxsan ku dhigeen.

Alle ha u naxariistee Muuse Ismaail Qalinle waxa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo lagu aasay sanadkii 1997. Hoobalku intii dambe ee noloshiisa wuxuu ku qaatay isla magaaladii uu ku geeriyooday ee Muqdisho. Sida la ii sheegay wuxuu halkaa mudo ka waday ganacsi uu ka abuuray. Mudo markii uu muqdisho ku noolaa Qalinle waa uu ku xanuunsaday sidii baanu ku geeriyooday. Alle ha u naxariisto. Qalinle waxaan marnaba taariikhda dadka Soomaalida ah gaar ahaan tan fanka Masraxa Soomaaliga ah ka tirmayn hibadiisii faneed iyo wax soo saarkii faneed ee uu ku horumariyay. Waxaan marnaba la ilaawi karayn sida uu u dhawray sharafkii iyo haybadii fanka tolmoon ee Soomaalida. Sidaasuu ku yahay Qalinle masala lagu daydo oo laga raacan doono astaanta sharafka ee fanka Soomaaliga ah. Waxaase iman doonta maalin la abaalmarin doono abaalkii uu umadnimada Soomaalida u galay isagoo adeegsanaya hibadiisii faneed iyo kartidiisii hoobanimo.

Ilyaas Cabdi Carte,
Hargaysa, November 25, 2020
amiircarte@gmail.com