Toddobaadyadii la soo dhaafay, Muslimiinta Faransiiska waxay dhexda u galeen doodda siyaasadeed iyo tan fekerka ku dhisan ee ku saabsan xuquuqdooda, xorriyaddooda, iyo tan noloshooda maalinlaha ah.

Qaar ka mid ah Muslimiintaas waxay ka baqayaan in mar uu dalka Faransiiska raadiyo tallaabooyin adag oo wax looga qabanayo weerarrada, isagoo hal dhinac marinaya dhammaan Muslimiinta ku nool dalkaas, uuna u arka inay yihiin kooxo isticmaala rabshado.

Cabsidan waxay xoogeysatay shalay, kaddib markii ay rabshado dhex mareen booliiska Faransiiska iyo dibadbaxayaal ka cabanayay sharciga ammaanka oo qaarkood ay sheegeen inuu caqabad ku yahay xorriyadda.

Dhanka kale, waxay qaarkood aaminsan yihiin in falcelintii ahayn in aan la iibsan badeecadaha Faransiiska ee Muslimiinta dunida ay ka bixiyeen sawirradii wargeyska “Charlie Hebdo” uu ka sameeyay Nabi Muxamad NNKH, ay horseedeyso in xuquuqda Muslimiinta ku nool Faransiiska loo adeegsado dano siyaasadeed.

Warbixin ay soo saartay sannadkan dhexdiisa, Ololaha ka dhanka ah Islaam nacaybka ee Faransiiska, waxaa lagu xusay in 77% ay kordheen weerarrada ku saleysan diin nacaybka kana dhanka ah Muslimiinta, intii u dhaxaysay sannadihii 2017 iyo 2019.

Sannadkii 2019, waxay kooxdu diwaan geliyeen ilaa 789 ficil oo la xiriira nacaybka loo qabo Muslimiinta, iyagoo sheegay in 59 ka mid ah falalkaas ay geysteen waaxaha dowladda.

Kooxdan waxay labo maalmood kahor ku dhawaaqday in ay howlaheeda u wareejisay meel ka baxsan Faransiiska, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, Gerard Darmanan, uu ku eedeeyay in ay taageeraan Muslimiinta.

Waxa hay’adaha xuquuqda aadanaha walaaca ku hayo hadda waa waa in dhowr magaalo oo Faransiiska ku yaalla laga fuliyay xirxiridda tiro carruur iskuulley ah, oo lagu eedeeyay “inay marmarsiyo u sameeyeen argagixisanimada,” sida uu daabacay waregyska New York Times.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, booliiska ayaa galay guryaha ardayda, si ay u baaraan, iyagoo la wareegay telefoonno iyo laptop-yo, isla markaana xiray muddo saacado ah, iyagoo weydiiyay su`aalo ku saabsan diinta ay haystaan qoysaskooda.

Arrintan ayaa ka dameysay ka dib markii ardaydu ay feker loo arkay “inuusan habbooneyn” ka dhiibteen dilkii bartamihii bishii hore loo geystay Samuel Patty oo dhigi jiray taariikhda.

BBC Arabic ayaa wareysatay qaar ka mid ah Muslimiinta ku nool Faransiiska:

Astaanta Masaajidka Paris
Qoraalka sawirka,Astaanta Masaajidka Paris

Yasser Al Lawati: Waxay doonayaan in aynaan muuqan

Yasser Al Lawati wuxuu madax u yahay “Guddiga Caddaaladda iyo Xorriyadda Dadka oo dhan”, oo qaabilsan difaacidda xuquuqda Muslimiinta iyo wacyigelinta Islaam nacaybka gudaha Faransiiska.

Marka la eego fekerkiisa, kala qeybsanaanta ugu daran waxay bilaabatay xilligii kacdoonkii xisbiga mayalka adag ee garabka midig ee gudaha Faransiiska, sanado kahor, iyadoo looga falcelinayo “isku dhafidda Muslimiinta iyo bulshada Faransiiska, iyo soo bixiddoodii ay ku muujiyeen aragtidooda, iyagoo aan kala sooceyn diintooda Islaamka iyo dhalashadooda Faransiiska.”

Sida uu qabo, waxaa loo kala qeybsan yahay labo koox: “koox dooneysa in dalka Faransiiska uu cayaaro door mayal adag, iyo koox laga tiro badan yahay oo diiday inay noqdaan kuwo aan muuqan.”

Sida uu qabo Al Lawati, fursadda ah in gabar xiran niqaab ay gudaha Faransiiska ka hesho shaqo waa boqolkiiba 1%, iyadoo boqolkiiba 99% qalalaasaha ka dhaca dalkaas loo geysto Muslimiinta, waxaana kordhay surtogalnimada ah in qofka la xiro illaa boqolkiiba 30%, haddii uu qofku yahay Carab ama madow ba.

Wuxuu yiri, “Waxaan qabaa, Faransiisku ma ahan Cilmaani, marka laga reebo in dooddaas loo adeegsado in Muslimiinta looga hor istaago goobaha bulshada. Waxa ugu horreeya ee dadka looga dhigo kuwo mayal adag waa dareenka dad badan oo dhalinyaro ah oo ku dhashay Faransiiska in ay qariib ku yihiin dalkooda.”

Wuxuu intaas ku daran in mas`uuliyadda qalalaasaha aysan dusha uga dhaceynin Muslimiinta Faransiiska, balse loo aaneynayo sida ay u guul darreysteen barnaamijyada la dagaallanka argagixisada ee ay muddo sanado ah wadday dowladda Faransiiska, sababtoo ah “Muslimiintu waa dhibbanayaasha ugu horreeya ee argagixisada, mayal adeyggana aanan loola dagaallami karin iyadoo la xoojinayo Islaam nacaybka.”

Al Lawati wuxuu xusay in warbaahinta Faransiiska ay ka hadasho Muslimiinta balse aysan iyaga la hadlin.

Askar boolis Faransiis ah oo taagan taag magaalo Faransiiska ku taalla

Maysaluun Nasar: Doorka dhibbanaha waa halis

Maysaluun Nasar oo ah weriye u dhalatay dalka Lubnaan isla markaana barnaamij soo jeediye ka ah telefishin, waxay Faransiiska ku nooleyd muddo sanado ah. Waxay Telefishinka fFrance 24 ka soo jeedisaa barnaamijka “Fi Fellak Al-Forbidden”.

Barnaamijkeeda oo looga hadlo mowduucyo loo arko in ay yihiin kuwo aan laga hadlin, waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah imaamyada Faransiiska, waxayna ku baaqeen in la mamnuuco.

Waxaa sidoo kale hanjabaado joogto ah usoo dira kooxo Muslimiin mayal adag oo ku nool gudaha Faransiiska.

Maysaluun waxay sheegtay in walaaca dowladda Faransiiska ee xagjirnimada ay ku saleysan tahay xaqiiq la taaban karo.

Iyo sidoo kale sameynta shuruuc wax caadi ah ka dhigaya diinta Islaamka ee gudaha Faransiiska, sababtoo ah “dhammaan waaxaha diinta Islaamka oo ay ku jiraan ururrada, masaajidyada, waxaa leh dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Kuwayt, Qadar, Sacuudiga, Algeriya iyo Morocco.” Shuruucda Faransiiska waxay mamnuucayaan in laga dhiso goobo lagu cibaadeysto.

Waxay aaminsan tahay,in xasaradaha haatan taagan aysan ahayn wax cusub, balse ay tahay mid hore oo sii xoogeysatay. “Dalka Faransiiska wuxuu moodi jiray in ay isaga ka fog tahay, maddaama ay ka dhacayso dibadda, gudaha Suuriya ama Ciraaq, hadda, waxay ogaadeen in ay u soo wareegtay gurigooda, iyadoo ay kordheyso tirada Muslimiinta Faransiiska, haddana in ay wax caadi ah tahay in arrinta ay isku beddesho siyaasad.

Sida ay qabto Maysluun, sharciga Faransiiska wuxuu qof walba siinayaa xorriyad uu ku qeexo fekerkiisa, xitaa haddii ay meel ka dhac ku tahay diin, balse wuxuu ka soo horjeedaa tacaddiyo ka dhan ah diintaas, amaba ficillada lagu takoorayo.

طفلة خلال تظاهرة في مدينة تولوز الفرنسية - نوفمبر 2020

Jamal Badoua: Waxaa jiro is faham la’aan

Saxafi u dhashay Morocco oo deggan Faransiiska, Jamal Badoumeh, wuxuu sheegay in xaaladda amniga Faransiiska, gaar ahaan arrinta argagixisada ay tahay mid duqowday oo mar hore ahayd, balse hadda muhiim u ah in codbixiyeyaasha lagu soo jiito taas oo xisbiga Macron u adeegsanayo in uu kaga guuleysto axsaabta kale ee midigta fog.

Wuxuu sharaxay in dalka Faransiiska uu ku dadaalayo meelmarinta sharci xoojinaya Cilmaaniyadda iyo aragtida uu dalkaas ku dhisan yahay – Waxaana taa loo garanayaa xeerka ‘Dhameystirka Amniga’ – waxyaabaha halista ah ee ka dhalan karana waxaa ka mid ah in meesha ay ka baxaan xuriyadaha qaar.

Waxaa la filayaa in shuruucdan ay ka mid yihiin in la mamnuuco muuqaal laga duubo booliska xilliga ay howlgallada ku jiraan, iyo xuquuqda in guriga gudihiisa wax laga ogaado.

"ماكرون أنت مخطىء، لسنا ارهابيين"، خلال تظاهرة في مدينة تولوز الفرنسية قبل أيام، احتجاجاً على منع التعليم في المنازل

Badouma wuxuu u arkaa in arrintan ay tahay dadaal la isugu deyayo in “la is waafajinayo xaaladda adag ee u dhexeysa amniga muwaadiniinta iyo ilaalinta xuquuqda hadalka ee aasaasiga ah. Dadka nugul ee Soo galootiga iyo Muslimiinta waa kuwa sida ugu badan ay u saameyn doonto, sababtoo ah waxaa jiri doono arrimo si gaar ah u janjeera oo lagu abuurayo jahwareer ku saabsan argagixisanimada”.

Wuxuu sheegay in isaga ahaan – qof soo galooti ah oo ku dhashay Morocco – in uu Faransiiska u guuray xilligii uu waxbaranayay, ayna suuragal u tahay in uu dareemo “dhanka wanaagga ee hannaanka Muslimiinta, taas oo aan u muuqan Muslimiinta ku dhashay Faransiiska.”

Sababta waxay tahay in dalkaas ay marwalba ka taagnayd “dhibaato ah dhanka u cadaalad falka kooxda la faquuqo, taas oo aan weli xal laga gaarin”, ayuu yiri.

Baduma wuxuu rumeysan yahay in “ururka ay ku mideysan yihiin maamullada masaajidda iyo in ay ka madaxbannaanaadaan faragelin dibadda ah in ay muhiim u tahay xaaladda lagu jaajuusayo xagjirnimada ee maamulka Faransiiska iyo sidoo kale la tababaro Imaamyada Faransiiska”.

Wuxuu farta ku fiiqay in jahwareerka hadda taagan uu sababay in islaamka uu noqdo diin cusub taas oo aysan horey u ogeyn Xeerka Dalkan Cilmaaniga ah ee 1905, xilligaas oo dadka Faransiiska ugu badan ay ahaayeen Masiixiyiin ama Yahuud.

Taas wuxuu ula jeedaa in hadalkii Macron si kale loo fahmay, uusanna weerarin Islaamka, mana uusan la hadlayn Muslimiinta Caalamka oo dhan, balse hadalkiisa uu ku wajahnaa Muslimiinta Faransiiska.

Macron wuxuu doonayaa in xaaladda Muslimiinta Faransiiska ay noqoto arrin gudaha dalkiisa quseysa, sababtoo ah Faransiiska dal ahaan “wuxuu xaq u leeyahay in uu sameysto shuruuc ku saabsan diimaha dhulkaas ka jira,” sida ku xusan sharciga dalkaas.

Wuxuu Bidouma u arkaa in “Xeerarka Faransiiska ay ogol yihiin xuriyad oo qofka ku cibaadeysto iyo aaminaaddiisa diin, ayna tahay arrin gaar u ah qofka, iyo in heerka bulsho ay ka duwan tahay, iyo in aysan jirin diin ka sareysa sharciga u degsan Faransiiska ee qof kasta uu u hoggaansan yahay.”

Wuxuu yiri: “Waxay aniga ila tahay in laga hadlo Islaam naceyb heer dowladeed ah in ay tahay arrin la buunbuuniyay. Waxaa suuragal ah in marka xaaladda la bedelo in dadka qaar ay dareemaan in si gaar ah loo bartilmaameedsaday ayna yihiin kuwa u nugul dhibaato. Sikastaba, waa in la ogaado in ay jirto xaalad halis dhab ah iyo in Faransiiska in uu xeer adag hordhigayo arrinta xagjirnimada.”

XIGASHO BBC SOMALI