Sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay, Tahriibeyaal tiradooda lagu sheegay 140 oo ku sii jeeday qaaradda Yurub ayaa biyaha ku dhintay kaddib markii doon ay saarnaayeen qiyaastii 200 oo ruux ay ku dagtay meel ka baxsan xeebaha dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Senegal.

Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka u qaabilsan Q/Midoobay IOM ayaa sheegtay in doonta uu markii hore dab qabsaday Sabtidii ka dibna ay ku quustay biyaha, waxyar kaddib markii ay ka baxday magaalada laga kalluumeysto ee Mbour.

Qiyaastii 60 qof ayaa la badbaadiyay ka dib markii ay gurmad ka heleen dad kaluumeysato ah.

Waxaa la aaminsan yahay in qaxootiga safrayay ay isku dayayeen inay gaaraan dhulka Yurub iyagoo sii maraya Jasiiradaha Spain.

Musiibadan ayaa noqotay tii ugu dhimashada badneyd ee caalamka ka dhacday sanadkan 2020-ka gudihiisa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Marin biyoodkan halista ah ee kasoo baxa ilaa Galbeedka Afrika oo ah safar aad u dheer ayaa soo shaac baxayay tan iyo sanadkii 2018-kii.