Halyeygii kooxda kubadda cagta Chelsea ee Gavin Peacock ayuu gurigiisu noqday hoyga dagaalyahannada, sababtoo ah, waxa xayndaabka feedhka soo galay wiilkii saddexaad ee uu dhalay.

Jimcihii hore, waxa indhaha dunida qabsaday wiilka uu dhalay ee gacanta go’an ee Jake oo markii uu dhalanayay ay dhibaato kasoo martay hooyadii, isla markaana ay muddo 50 saacadood ah foolanaysay, kaas oo ugu dambayntii dunida yimid isagoo hal gacan oo kaliya leh iyo midda kale oo dhudhunka ku go’an.

Gavin Peacock iyo wiilkiisan mucjisada ah ayaa hadda ay warbaahintu dunidu aad uga hadlaysaa, waxaana la qaadan la’ yahay in Jake uu ku biiro feedhka iyadoo uu hal gacan oo kaliya leeyahay, isla markaana uu la dagaallamo ciyaartooyo laxaadkoodu dhamaystiran yahay.

Isla markii ay muuqaalladiisu soo baxeen, waxa dib loogu noqday oo la raadiyey xogta feedhyahankan gacanta go’an, waxaanay warbaahintu soo heleen in markii uu dhalanayay ay hooyadii foolanaysay 50 saacadood, isal markaana iyadoo aan qalliin lagu samaynin uu iska dhashay.

Feedhyahankan oo ay dhashay Amanda ayaa kusoo dhashay iyadoo ay gacantiisu meel dhexe ka go’an tahay, sida ka muuqata sawirrada, laakiin layaab leh sida uu jidhkiisa u dhisay iyo qaabka uu ugu dambayntii u noqday dagaal yahan garoomada dhexdooda ku feedhtama.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK oo qormo ka diyaariyey feedhyahankan ayaa waxa uu sheegay inuu yahay mid aan baqanin oo markii uu yaraaba isku tuuri jiray barkadaha dabbaasha, isla markaana garoomada kubadda cagta yimid oo dheeli jiray, illaa ugu dambayntii uu iskugu biyo shubtay kaaratayga iyo feedhka oo uu ku biiray.

27 jirkan ayaa ciyaara feedhka iyo laagga isku jira ee loo yaqaano Muay Thai, waxaanu garoomada kula xafiiltamaa ciyaartooyo laxaadkoodu u dhan yahay.