Manchester City ayaa gacanteeda ku dhigtay koob kale ka dib markii milkiilahooda Sheikh Mansour uu 760 kun ginni ku iibsaday koobkii ugu da’da weynaa ee badbaaday ee FA Cup.

Koobkaan ayaa la isticmaalay tartanka FA Cup intii u dhaxeysay 1896 iyo 1910 waxaana lagu iibsaday lacag qaali ah bishii September.

Waxaa iska iibiyay milkiilaha West Ham David Gold kaasoo ahaa milkiilaha koobka tan iyo 2005, waxaana loo arkayay inuu yahay qeyb ka mid ah taariikhda kubada cagta.

Advertisements

Waxa uu ka hadlay inuu koobka u ilaalinayo qaranka, laakiin waxaa soo baxday cabsi ah in dad shaqsiyaad ah ay iibsadaan islamarkaana koobka u qaadaan wadan kale.

Si kastaba, waxaa haatan la ogaaday in milkiilaha Manchester City uu iibsaday koobka, wuxuuna amaah ku siiyay madxafka kubada cagta ee Manchester ku yaala ee loo yaqaano National Football Museum.

Sheikh Mansour ayaa koobkaan oo loo arko hanti qaran iibsaday 29kii bishii September.

Ka dib dagaal badan oo ay dad taajiriin ah u galeen helida koobkaan taariikhiga ah, wuxuu Sheikh Mansour ku iibsaday 759,052 ginni.

Gudoomiyaha Man City Khaldoon Al Mubarak ayaa yiri: “Koobkaan wuxuu xusuusin muuqata u yahay taariikhda hodonka ah ee dheer ee kubada cagta Ingariiska oo ay Manchester City qeyb ka tahay.

“Koobkaan waxaan gacanteena ku dhignay sannadkii 1904tii waxayna aheyd waqti ay kooxda isbedesahy iyo guud ahaan magaalada Manchester oo kubada cagtu ay u noqotay wadnihii bulshada.

“Aragtida Sheikh Mansour ayaa ah in koobkaan uu leeyahay taariikh iyo dhaqan weyn islamarkaana ay tahay in lala wadaago dadka Manchester, qoyska kubada cagta England iyo dhamaan dadka jecel ciyaarta Ingariiska.”