Milatariga Itoobiya ‘oo dilay 40 qof’ kaddib xasuuqii Benishangul-Gumuz

Khariiradda gobolka Benishangul-Gumuz
Qoraalka sawirka,Khariiradda gobolka Benishangul-Gumuz

Militariga Itoobiya ayaa dilay in ka badan 40 nin oo lala xiriiriyay xasuuq gobolka Benishangul-Gumuz loogu geystay ugu yaraan 100 qof oo ay carruur ku jiraan, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Shan saraakiil oo isugu jira kuwo hore uga tirsanaa dowladda iyo qaar hadda ka tirsan ayaa sidoo kale loo xiray qalalaasaha ammaan ee ka taagan gobolka.

Eedeysanayaasha ayaa weerar ay Arbacadii qaadeen waxaa la sheegay inay gubeen guryaha dadka tuulada oo hurdaya, isla markaana ay toogteen ayna toorrey la dhaceen dadka.

Weerarkan ayaa ku soo aaday maalin kaddib markii Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed uu booqday gobolka.

Ma cadda kuwa weerarka soo qaaday cidda ay yihiin, balse waxay u muuqdeen inay beegsanayeen qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee loo arko “inay degeen” gobolka, sida ay sheegtay hay`adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Itoobiya ayaa sanadihii la soo dhaafay la dalaa dhacaysay qalalaase siyaasadeed, mid isir ku saleysan iyo mid diimeed.

Sanadkii 2018 waxay ahayd dalka ay ku nool yihiin barakacayaasha ugu badan ee Afrika – kuwaas oo lagu qiyaasay 1.8 milyan.

Dagaallada waxaa dabka u hurinayay kooxo dalbanaya dhul badan iyo awood, iyagoo isku dayaya inay meesha ka saaraan dadka ay u arkaan soo galooti.

Abiy Ahmed ayaa noqoday Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya bishii April 2018
Qoraalka sawirka,Abiy Ahmed ayaa noqoday Ra`iisul Wasaaraha Itoobiya bishii April 2018

Mr Abiy ayaa xasuuqa ku tilmaamay mid musiibo ah, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ciidamo u dirtay goobta si xal loogu helo dagaalka.

Warbaahinta dowladda ma aysan faahfaahin cidda ay ahaayeen 42 qof oo ay booliisku ku dileen howlgalkii lagu ugaarsanayay kuwa weerarka soo qaaday.

Waxay sheegtay in hub ay ka mid yihiin qaanso iyo waran ay sidoo kale la wareegeen ciidamada.

Wasiir ku xigeen dowladda ka tirsan ayaa ka mid ah shanta qof ee la xiray, sida ay warbaahinta dowladda shaacisay.

Maxaa ka dhacay weerarkii ugu dambeeyay?

Afhayeen u hadlay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ee xiriirka la leh dowladda ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay weerarka ka fuliyeen gobolka galbeedka dalkaas ku yaalla ee Benishangul-Gumuz abbaarihii 04:00 xiliga dalkaas (01:00) Arbacadii.

“Warar weerareen tuulo iyadoo dadkii ay hurdaan ayay guryahoodii dab qabadsiiyeen sidoo kale dad rayid ah ayay toogteen oo ay dileen,” ayuu yiri Aaron Maasho.

Amnesty International ayaa sheegtay inay la hadashay shan qof oo weerarkaas ka badbaaday kuwaasoo sheegay in xubno ka tirsan qowmiyadda Gumuz ay weerareen guryaha dad ka soo jeeda qowmiyadaha Amxaarada, Oromada iyo Shinasha.

“Inkastoo aysan Amnesty international xaqiijin karin cidda ay yihiin kuwa weerarka geystay, wuxuu weerarkan u muuqdaa kii ugu dambeeyay ee lagu beegsanayo qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee halkaas ku nool.

“Iyadoo dhowr qof aan weli xisaabta lagu darin guryuhuna ay gubanayaan, khasaaraha dhimashada waxaa laga yaabaa inuu sare u kaco waana in si degdeg ah loo baaraa weerarkaas xun,” iayaa lagu yiri warbixinta hay`adda.

Muxuu muujinayaa sawirka guud?

Itoobiya waa dalka ugu dadka badan Afrika marka laga soo tago Nigeria. Waxaa ku nool bulsho ka badan 100 milyan oo qof oo u kala qeybsan 80 qowmiyadood.

Jaan-tus muujinaya qoomiyada Itoobiya
Qoraalka sawirka,Jaan-tus muujinaya qoomiyada Itoobiya

Mr Abiy ayaa ra`iisul wasaare ka noqday Itoobiya sanadkii 2018 kaddib markii bannaanbaxyo dhacay lagu qasbay in xukuumaddii ka horreysay ay xilka ka degto.

Wuxuu ballan qaaday inuu soo afjari doono xukunka keligii taliska ah, wuxuuna soo saaray isbeddello horseeday in la mamnuuco kooxaha siyaasadeed iyo sii deynta kumannaan maxaabiis ah.

Arrintaasi waxay sidoo kale horseedday kacdoon waddaninimo isir, taas oo isku beddeshay qalalaaso.

Kooxaha isirka iyo kuwa siyaasadeed ee dareemay in lagu gacan bidixeeyay dowladdii hore ayaa dalbaday in madax bannaani dheeraad ah loo siiyo gobolladooda, isla markaana la aqoonsado luqaddooda iyo xuquuqda dhaqankooda.

Qalalaasahan ma wuxuu ka xiriiraa kii Tigray?

Tobnaan kun oo qof ayaa ka qaxay Tigray
Qoraalka sawirka,Tobnaan kun oo qof ayaa ka qaxay Tigray

Maya, balse xisbigii talada gobolka laga qaaday ee TPLF ayaa Mr Abiy u arkay inuu khatar ku yahay “hannaanka federaal ee qowmiyadaha” ee ay gacan ka geysatay in looga dhawaaqo Itoobiya kaddib markii ay xilka ka wareegtay dhammaadkii dagaalkii sanadkii 1991.

Waxay aasaastay kooxda (EPRDF), oo ahaa isbahaysi ka kooban afar xisbi qowmiyadeed.

Mr Abiy ayaa sanadkii hore burburiyay isabahaysigaas wuxuuna ku beddelay xisbigiisa cusub ee Xisbiga Barwaaqada (PP).

Taageerayaashiisa ayaa u aka in PP uu gacan ka geysanayo midnimada isagoo isku keenaya axsaabta qowmiyadaha ku saleysan ee ka dhisan guud ahaan Itoobiya.

Balse si ka duwan saddexda kale ee xisbi ee isbahaysiga ku jira, TPLF way diidday inay ku milanto PP.

Tani waxay horseedday inuu gebi ahaanba xumaado xiriirka labada dhinac, TPLF-na wax wakiil ah uma joogin dowladda federaalka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1991.

Xisbiga ayaa saldhig ka dhigtay halka ay ku xooggan yihiin ee Tigray, waxayna bishii September qabteen doorashooyin goboleed iyagoo dhegaha ka fureystay amarka dowladda federaalka ee ahaa in dib loo dhigo dhammaan doorashooyinka sabab o la xiriira xanuunka coronavirus.

Tan ayaa sababtay xiisad horseedday in bishii hore uu dagaal ka qarxo Tigray.

Boqollaal, ama xitaa kumannaan qof ayaa lo maleynayaa in lagu dilay dagaalkaas, iyadoo ilaa 50,000 oo qof ay u qaxeen dalka deriska la ah ee Sudan.