Halyeeyga Liverpool Graeme Souness ayaa sii kiciyay dagaalka afka ah ee kala dhaxeeya xiddiga Manchester United Paul Pogba isagoo u sheegay inuu miiska soo saaro biladaha koobabkii uu ku soo guuleystay.
Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ayaa weerar ku qaaday kabtankii hore ee Liverpool ka dib markii uu sheegay inuusan garaneyn qofka uu yahay.
Souness ayaa ka mid ah khabiirada Sky Sports ee si weyn u dhaleeceeya Pogba tan iyo markii uu xiddiga Faransiiska ku soo laabtay Manchester United sannadkii 2016.
Khabiirka Sky Sports Souness ayaa inta badan ku weerara Pogba hab dhaqankiisa iyo qaabc iyaareedkiisa.
Paul Pogba ayaase fursad u helay inuu isna markiisa weeraro halyeeyga Liverpool. Markii la weydiiyay eedeymaha uu ka helayo Souness, Pogba ayaa ku jawaabay: “Xaqiiqdii ma aanan garaneyn qofka uu yahay, waxaan maqlay inuu ahaa ciyaaryahan weyn iyo wax la mid ah”
Laakiin Souness kama uusan aamusin ixtiraamdarada uu Pogba muujiyay isagoo ka soo muuqday Sky Sports: “Waan ku faraxsanahay hadalka Pogba,.
“Laakiin waxaa maankeyga ku soo dhacday inaan iraahdo – biladahaaga miiska soo saar.”
Souness oo 66 sanno jir ah ayaa sida iska cad ka koobab badan xiddiga Man United Pogba iyadoo Souness uu Liverpool la qaaday 17 koob oo ay ku jirto shan koob oo horyaalka ah.
Waxa uu sidoo kale seddex jeer ku guuleystay koobka maanta loo yaqaano Champions League halka Pogba uu wadar ahaan ku guuleystay kaliya 11 koob.
Halyeeyga kale ee Liverpool Jamie Carragher ayaa isna taageero u muujiyay saaxiibkiisa Souness isagoo sheegay in hadalkii ka soo yeeray Pogba inuu ahaa mid ixtiraamdarro ah.

Waxa uu yiri: “Waan dhaleeceynaa Paul Pogba, marka aad tahay ciyaaryahanka waa inaan ixtiraamtaa ciyaartoyda qaar ee fekradaha bixinaya waqtiyada qaarka, waana inaadan ka caroonin fekradaha dadka kale.
“Sidaasi darteed inuu yiraahdo waligeey ma maqlin Graeme Souness taasi waa ixtiraamdarro aad u weyn”