Mesut Ozil Oo Balanqaaday Inuu Bixinayo Mushaharka Gunnersaurus Oo Laga Eryay Gunners Ka Dib 27 Sannadood Uu Ahaa Astaanta Arsenal

Arsenal ayaa gaartay go’aan adag ka dib markii ay shaqada ka ceyriyeen ninkii ahaa astaantoodii garoonka ee lagu naaneesayay Gunnersaurus horaantii isbuucaan, madaama Korona Fayras uu sababay in shaqaale qaar la eryo si mushaharka ka baxa kooxda loo yareeyo.
Jerry Quy oo ahaa nin ay jeclaayeen taageerayaasha Arsenal madaama uu ku labisan jiray Daynasoor muddo 27 sanno ah isagoo bilaabay shaqadaan sannadkii 1993kii.
Warka shaqada looga ceyriyay ayaa waxaa cambaareeyay taageerayaasha Arsenal.
Advertisements
Halyeeyga kooxda Paul Merson ayaa ka hadlay sida uu uga niyadjabsan yahay go’aanka ay qaadatay Arsenal isagoo u sheegay Sky Sports:
“Waa wax aan la rumeysan karin. Dhamaan caruurta, da’ yarta Gunners, waxaa jira taageerayaal 30 jiro ama 40 jiro ah oo ku soo koray inay daynasoorka ku arkaan garoonka dhexdiisa.
“Waa wax laga niyadjabo, waa go’aan xun oo ay Arsenal qaadatay, xaqiiqdii sidaas ayaan aaminsanahay”
Taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay inay taageero u muujiyaan Gunnersaurus. Waxaa haatan socota lacag uruurin ay ka wadaan GoFundMe iyagoo ilaa haatan u uruuriyay 10 kun iyo 500 ginni.
Laakiin waxay u muuqataa in Quy uu sii ahaan doono astaanta Arsenal ee garoonka.
Sababtoo ah Mesut Ozil ayaa balanqaaday inuu bixin doono mushaharka Quy ilaa iyo inta uu yahay ciyaaryahan Arsenal ah.
Baraha bulshada ayuu soo dhigay xiddiga Jarmalka qoraalkaan: “Waan ka murugooday in Jerry Guy oo sidoo kale caan ku ah Gunnersaurus islamarkaana qeyb weyn ka ah kooxdeena shaqada laga fariisiyo ka dib 27 sannadood uu howshaan hayay.
“Sidaasi darteed waxaan balanqaadayaa inaan Arsenal u celin doono mushaharka buuxa ee uu qaato ninka weyn ee cagaaran ilaa iyo inta aan ahay ciyaaryahan Arsenal ah si Jerry uu u sii wato shaqada uu jecel yahay.”