Maxkamadda gobolka Togdheer oo saakay gubtay Sulwaal uu watay nin tagay Maxkamada
Maxkamadda gobolka Togdheer ayaa saaka gubtay surwaal uu watay nin dhalinyaro ah oo maxkamada tagay kadib amar la sheegay in uu bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada.
Sida aan Wararka ku helnay nin dhakinyaro ah oo kamid ah bulshada magaalada Burco ayaa saakay tagay xarunta Maxkamada gobolka Togdheer, ninkan ayaana la sheegay in uu xirnaa sulwaan dhanka jilbaha ka jeex jeexan oo inta badan xirtaan dhalinyarada.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer Muuse Dhoolayare oo arkay sulwaalka jeex jeexan uu watay ninkan ayaa amray in sulwaalka ninkaasi laga bedelo kadibna dab la qabadsiiyo, waxaana sulwaalkaasi lagu gubay gudaha Maxkamada.
Gudoomiye Muuse Dhooloyare ayaa amarkan lagu gubay sulwaalka jilbaha ka jeexnaa uu watay ninkan dhalinyarada ah u cuksaday anshax daro iyo in uu kasoo horjeeday dhaqanka suuban .
Baraha bulshada ayaana aad looga hadal hayaa dhacdada saakay lagu gubay sulwaalkan jilbaha ka jeex jeexan ee inta badan xirtaan dhalinyarada, waana markii ugu horeesay maxkamad kutaala gudaha Somaliland ay bixiso amarkan oo kale.