Maxay yihiin calaamadaha kala duwan ee lagu arkay dadka uu in muddo ah hayo Covid-19?

Dadka uu ku daaho xanuunka ayaa isku arkaa calaamado kala duwan oo saameyn ku yeelanayo caafimaadkooda

Qoraalka sawirka,Dadka uu ku daaho xanuunka ayaa isku arkaa calaamado kala duwan oo saameyn ku yeelanayo caafimaadkooda

Cudurka Koroona ayaa siyaabo kala duwan u qabanayaa dadka uu muddada dheer hayo Covid-19, waxaana dadkaas lagu arkaa afar calaamadood oo kala duwan, sida laga soo xigtay daraasad la sameeyay.

Waxay arrintani daaha ka rogeysa su’aasha ah, maxay tahay sababta loo daweyn la’yahay caalaamadaha soo ifabaxayo ama loo aamin la’yahay?

Waxaa dhici kartaa in dadka uu in muddo hayo cudurkan uu ku reebo xanuun dhanka maskaxda ah, sida uu sheegayo macadka qaran ee daraasaadka arrimaha caafimaadka ee UK.

Waxay dadkan u baahan yihiin in la siiyo taageero dhanka caafimaadka ah- howlwadeenada caafimaadka waxaa loog baahan yahay in macluumaad xooggan ay arrintani ka heystaan.

Xaaladaha oo isbaddalayo

Inta badan dadka waxaa loo sheegay in muddo labo toddobaad gudahood ay kaga boogsan doonaan cudurka Covid-19 gaar ahaan marka uu sahlan yahay halka marka uu daran yahay looga boogsan karo ilaa 3 toddobaad.

Balse warbixinada waxay sheegayaan in kumanaan qof ay weli la nool yihiin safmarka Covid-19.

Kaddib markii wareysi lala yeeshay 14 qof oo in muddo ah uu hayay xannuunka, waxaa la ogaaday inay isku arkaan calaamado soo noq-noqday oo saameynayaa neefsashada, maskaxda, wadnaha, xiddidada dhiigga qaada, kelyaha, caloosha, beerka iyo maqaarkaba, sida ay muujineyso daraasad dhawaan lasoo bandhigay.

Waa afar calaamadood oo kala duwan:

  • Waxyeelleyn joogta ah oo loo geysta sanbabada iyo wadnaha.
  • Xaalado la xiriira in qofka uu baahan yahay daryeel deg deg ah.
  • Xaalado la xiriira in qofka uu daalayo.
  • Iyo inay sii bataan calaamadaha cudurka Covid-19.
Presentational grey line

Dadka inta badan uu ku raagay cudurka waxay in muddo ah jiifeen cisbitaalka gaar ahaan marka ay xaaladdoodu darneyd halka kuwa sida sahlan uu ugu dhacay cudurka aanan weligood la baarin oo aanan laga helin cudurka.

Daraasadda waxay muujineysaa in arrintan ay dadka ka caawineyso inay helaan daryeel caafimaad.

Haweeney daalan
Qoraalka sawirka,Haweeney daalan

“Waxaa iska cad in dadka qaar uu cudurka Covid-19 ku noqday xanuun muddo dheer ku qaata inay ka kacaan” sida ay sheegeyso warbixinta.

“Waxay xaaladdan la xiriirtaa dadka kasoo kacaya cudurka ee cisbitaalka markii hore la geeyay halka dadka qaar ay sheegayaan in noloshooda ay wax iska baddaleyso isla markaana markii hore ay guryaha joogeen, waxay isku arkayaan calaamado kale”

Qoraaga warbixinta Dr Elaine Maxwel waxay sheegtay in markii hore ay u maleyneysay in dadka sida aadka ula il daran cudurka uu si weyn u saameyn doono balse ay xaaladda tahay in dadka uu sida fudud ugu dhacay cudurka in saameyntiisa ay weli noqon doonto mid sii heysa.

BBC SOMALI