Maxay salka ku haysaa booqashada RW Abiy Ahmed beri ku tagayo dalka Kenya?
RW Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maalinta beri ah booqan doona dalka Kenya, taasoo qaadan doonta muddo labo cisho ah.
Abiy iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxay ku kulmi doonaan magaalada Moyale ee ku taal xadka Kenya iyo Itoobiya sida ay baahisay warbaahinta Itoobiya ee taageersan dowlada.
Labada masuul ayaa si wadajir ah xariga uga jari doono mashaariic laga hirgeliyey magaalada Mooyaale, iyadoo Abiy uu booqan doono sidoo kale degaan xeebeedka Lamu oo laga dhisayo Deked cusub oo ay wax kala soo dego doonaan dalalka Kenya, Itoobiya iyo Sudan.
Markii u dambeysay ee Abiy uu Kenya tago waxay aheyd bishii Maarso ee sanadkii hore xilligaasoo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay wadajir diyaarad uga raaceen Addis Ababa, kana degeen Nairobi, markii labada dal Soomaaliya iyo Kenya xiriirkooda xumaaday.
Booqashada Abiy ee Kenya ayaa ku soo aaday iyadoo mar kale uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo hadda maraya meel adag, mana cadda in Uhuru Kenyatta kala hadli doono Abiy xiisada labada dal.