Maxaad Ka Taqaanaa Xiddiga Gilgilay Jarmalka Ee Ay Ku Dagaalamayaan Man United & Chelsea Kai Havertz?

Maxaad Ka Taqaanaa Xiddiga Gilgilay Jarmalka Ee Ay Ku Dagaalamayaan Man United & Chelsea Kai Havertz?

Tan iyo markii uu masraxa soo koray sannadkii 2016, Kai Havertz waxaa la hadal-hayay inuu yahay xiddiga ugu tayada wanaagsan ee u soo baxaya Jarmalka.
Haatan xiddiga Bayer Leverkusen waxa uu bartanka kaga jira dagaal suuqa kala iibsiga ah oo u dhaxeeya kooxaha waa weyn ee Premier League ee Chelsea iyo Manchester United.
Xiddiga Jarmalka ayaa la sheegay inuu xiriir joogta ah la leeyahay Manchester United ka hor inta uusan u wareegin suuqa kala iibsiga xagaaga.
Laakiin tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa rajeynaya inuu ka dhaadhicin karno Havertz inuu ku soo biiro kooxdiisa da’ yarta u badan si la mid ah sidii uu ku sameeyay Timo Werner.
Havertz si shaqsi ah ayuu u qirtay inuu doonayo inuu ka tago Leverkusen si uu u sii horumariyo waayihiisa ciyaareed.
“Waxaan inta badan ka fekeraa waxyaabaha ay dadku igu sheegayaan.” ayuu yiri.
“Diyaar ayaan u ahay inaan qaado talaabo weyn, waan jeclahaya inaan nafteyda tartangeliyo. Taasi waxaa ku jirta xitaa inaan ka ciyaaro dibeda.
“Leverkusen waa koox weyn, waan ku fiicanahay halkaan sida aan mar walba sheego.
“Laakiin dabcan waxaan doonayaa inaan qaado talaabada xigta ee waayaheyga ciyaareed. Taasi ayaa ah hamigeyga.”
Wuxuu leeyahay farsamooyin cajiib ah oo uu ku ceebeeyo daafacyada, waxaa sii dheer inuu dhaliyo goolal badan taasoo Havertz ka dhigeysa xiddig tayadiisu ay aad u sareyso.
Xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay, Havertz oo lagu qiimeeyo 70 milyan ginni ayaa 17 gool ka dhaliyay horyaalka Jarmalka isagoo noqday da’ yarkii ugu goolasha badnaa Bundesliga hal xilli ciyaareed.
Da’diisa weli waa 20 sanno jir, khabiirada kubada cagta waxay leeyihiin waa isku darka Mesut Ozil, Michael Ballack iyo Toni Kroos, sababtuna waa tan.
Waxa uu ku dhashay Aachen waxaa iska dhalay aabe boliis ah iyo hooyo qareen ah, Havertz dhiigiisa waxaa ku jira kubada cagta.
Aabihiis iyo awoowgiis waxay ka soo ciyaareen heerarka hoose ee kubada cagta, isagoo da’ yar ayaa kula ciyaari jiray garoon kaliya 100 mitir u jira gurigooda.
Afar sanno jir markii uu ahaa, Haverz waxa uu ku biiray kooxda magaaladiisa ee Alemannia Mariadorf halkaasoo awoowgiis kale uu madaxweyne ka ahaa.
Waxa uu markaas la ciyaarayay wiilal isaga ka waa weyn sababtoo ah wuxuu lahaa awood cajiib ah.
Sagaal sanno jir markii uu ahaa waxa uu ka dhex muuqday koobka Geißbock-Cup ee lagu qabtay magaalada Cologne halkaasoo kooxaha Bundesliga ay u arkeen inuu yahay mustaqbalka . Mana aysan qaldaneyn.
Cologne iyo Borussia Monchengladbach waxay ka mid ahaayeen kooxaha isha ku hayay xiddigaan laakiin Bayer Leverkusen ayaa uga hormartay.
Isagoo 11 jir ah ayuu ku biiray akadeemiga Leverkusen, wuxuuna durbadiisa helay naanees ah”Alleskönner” oo u micno dhow xiddiig meel walba gala.
Markii uu 15 sanno jir ahaa Havertz waxa loo dalacsiiyay kooxda Leverkusen ee ay da’dooda ka hooseyso 17 jirada isagoo ka caawiyay inay ku guuleysteen koobka da’ yarta waxayna soo gabagabeeyeen 25 sannadood oo ay abaar ka heysay koobkaan.
Xiddig ayaana dhashay markaas.
15kii bishii October 2016 taariikh ayaa la diiwaangeliyay.
Havertz oo weji cusub ayaa bedel ku soo galay kulan ay Leverkusen guuldarro 2-1 kala kulantay Werder Bremen.
Isagoo da’diisa ay tahay 17 sanno iyo 126 maalmood, waxa uu noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid u ciyaara Leverkusen.
Afar bilood ka dib waxaa loo diiwaangeliyay caawintiisii ugu horeysay iyadoo goolkii uu dhaliyay Karim Bellarabi uu ahaa goolkii 50 kumaad ee laga dhaliyo Bundesliga.
Halkaas kuma joojin rikoodhkiisa, waxa uu sannadkii 2018 noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee safta 50 kulan taariikhda horyaalka Bundesliga.
Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Havertz waxa uu xulkiisa u saftay todoba kulan, isagoo soo koray masraxa adduunka.
Waxa uu ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isagoo dhaliyay 17 gool oo Bundesliga ah iyo 20 gool tartamada oo dhan.
Kaliya labo ciyaaryahan ayaa ka goolal badnaa Havertz horyaalka (Lewandowski 22, Paco Alcacer, 18), waxa uu sidoo kale sameeyay seddex caawin.