Korona fayrus waa nooc fayras caan ah oo keena infakshan ku dhaca sanka ama cunaha sare. Inta badan korona fayrusku khatar muu ahayn
Laakiin horraantii 2020 ka dib markii uu ka dillaacay Shiinaha bishii Diseembar 2019 ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu u aqoonsaday covid2019 kaas oo noqon kara mid dilaa ah.
Cudurkan ka dillaacay shiinaha ayaa si dhakhso ah ugu faafay adduunka oo dhan isaga oo ku faafaya xidhiidhka qof-ka-qof iwm
Astaamaha cudurkani waxay ku soo muuqan karaan 2 ilaa 14 maalmood sida ay dhakhaatiirtu sheegeen ka dib marka uu qofka soo gaadho ama uu haleelo cudurku astaamahiisu waxay aad ugu eegyihiin astamaha hargabka caadiga ah waxana ugu caansan astaamahan hoos ku taxan.
Neefsashada oo yaraata
Sanka oo cabudha
Madax xanuun
Cune xanuun
Qandho
Qufac
Neefsashada oo adkaata ama neefsashada oo dhib noqota
Calaamadaha kale waxaa ka mid noqon kara:
Daal
Xumad badan
Sanka oo dareera
Shuban
Matagid
Oof wareen
W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)
Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com