Maxaa Qarsoon ee Ethiopia Ka Socda (Warbixin dheer)

Ethiopia (Dhexnimo Media) — Dalka Ethiopia ayaa waxa ka jiray jaahwareer mudo todobada iyo dheeraad ku dhaw jaawreerkan ayaa ka dhashay kadib markii la dilay fanaan caan ah oo ka dhashay qoomyada oromada.

Hachaluu Hundessa fanaanka la dilay kumuu ahaa?

Fanaankan hacaaluu wuxuu ahaa fanaan dhalinyaro ah oo ku dhashay magaalada Ambo ee oromada fanaankan la dilay ayaa ka tirsanaa madaxda ama raga ugu cad cad ururka dhalinyarada oromoda ee QEERROO kaas oo caan ku ahaa heesaa kicinta ah ee lagaga Soo horjeeday taliskii hore ee Tigraygu hogaaminyaayeen hachaaluu ayaa waxa taageeri jiray ilaa 5 millyan oo oromo ah in ka badan

Yaa Dilay Hachaaluu Hundessa?

Wali cid si rasmi ah u cadaysay cida dishay ma jirto laakin qoomiyada oromada ee uu ka dhashay waxay toos ugu eedeeyeen Abiy Ahmed iyo Xukuumadiisa laakiinse abiy ayaa isna dhankiisa ku eedeeyay dad rabay inay Ethiopia qasaan oo ka xun biyo xidheenka abey ee dhisaayo
Eedaymo kala ayaa sheegaya inay tigray iyo Axmaaro ka dambeeyeen dilka Hachaaluu Hundessa.

Maxaa ka dhashay Dilkiisa Hachaluu Hundessa?

Waxa ka dhashay Ethiopia oo dhan ayaa khalkhal amin gashay taas oo ay sii hursay kadib markii la diiday in fanaanka lagu aaso magaalada caasimada ah ee addsabab oo ay qoomiyada oromadu sheegato
Basle iyadoo laysku haysto meeshii lagu aasi lahaa fanaanka ayaa waxa xabisga loo taxaabay hogaamiyihii kacdoonka Oromada jawhar Mohammad kadib markii uu is
Hortaagay maydka fanaanka kuna yidhi qoladii siday maydka ama halkan ku aasa ama igu dara kadibna sidaas lagu xidhay isaga iyo ilaaladiisiba

taas ayaa sababtay hadan in mar sadexaad ay rabshaduu sii kacaan aminiguna faraha ka bixi gaadho

Balse markay sheekadu halkaa marayso ayaa abiy Ahmed ku amray Wasiirka gaashandhiga Ethiopia lamma magarsa inuu awood Ciidan u adeegsado dibad baxayaasha cadhaysan balse lamma ayaa amarkaasi diiday gabi ahaanba sheegayna inay dibad baxayaashu xaq u leeyiin inay banaan baxa taas ayaa iyan keentay inuu Abiy Ahmed xoog uga cadhoodo kana xayuubiyo awoodii maamul ee gaashaan dhiga misana uu isagu la wareegay lamma magarsana ku amray inuu dalka deg deg uga baxo
Basle lamma dhankiisa wuu diiday dalbkas bixitaanka kadibna gurigiisa ayuu ku dhex xabsinaa.

Maxaa Qarsooon ee Ethiopia ka socda ?

Abiy Ahmed wuxuu dhamaan la wareegay awoodii maamul ee dalka Ethiopia isaga oo la wareegay wasaarado badan sida Wasaarada gaashaandhiga iyo Wasaarada is gaadhsiinta iyo qaar kale

Wuxuu dalka Eritrea ka dalbaday cutubyo Ciidan ah oo si heer sare ah u tababran kuwas oo uu isku xoojinaayo awdiisa Ciidan
Wuxuu dhaqaalii miisaniyadeed ka jaray ismaamulka Tigray oo xurguf xoogani ka dhaxaysay kuwaas oo iyaguna kaga jawaabay inay xuduudaha xidhaan dhanka kalana ku baaqan inay garab siinayaan oromada gadoodsan waxa xabsi guri ku jira hogaamihii kacdoonka Oromada jowhar Mohammad iyo madax kale oo oromo ah
Waxa dhammaan la galalafay warbaahintii kacdoonka Oromada sida OMNTV kaas oo xogtisii ciidamadu qaateen islmarkaan xidheen TVgaas waxa dhamaan la jaray Internet kii dalka Ethiopia waxa
Marmarka qaar habeenki la jaraa laydhka iyo IWM oo dhamaan dawladu gacanta ku hayso
Waxa ku dhintay rabshada 250 qof waxa ku dhaawacmay in ka badan
Waxa xabsiga loo taxaabay 3000 ku dad gaadhaya
Waxa la gubay hanti badan
Sida hudheelo taalooyin bakhaaro kaalmo gaadiid tiro badan hantida la gubay waxa u Badnaa qoomiyada axmaarada iyo guuraagada siday xogaha Dhexnimo Media heshay sheegayaan.

Dhanka Oromada maxay wadaan??

Dhanka Oromadu waxay aaminsanyihiin in abiy ahmed la weecday isbadalki ay naftooda u Soo hureen khasabna ay tahay inuu xal keeno ama xilka ka dago

Waxa kale oo ay aaminsanyihiin inuu isagu ka danbeeyay dilkii Hachaaluu Hundessa

Waxa kale oo ay ku doodayaan in Abiy Ahmed aanu ka dhalan qoomiyada oromada balse abiya ayaa arintaas kaga jawaabay in aanu shakhsi dhalashadiisa ka saari Karin oromadana u Soo halgamay.
Wixii warar ka soo kordha xaalada dalka Ethiopia kala soco Dhexnimomedia.com
Insha Allah
Diyaarinta warbixnta:
Cabdiraxmaan Rashid Dalmar
Dhexnimo Media/Hargeisa
Info@dhexnimomedia.com
cabdiraxmaan800@gmail.com