Maxaa dhici kara haduu Maraykan-ku Ganacsiga AGOA Ethiopia’ ka joojiyo?.

Maraykanka oo uu horkacayo Madaxweyne Joe Biden, ayaa ka digay in colaadda iyo dhibaatooyinka xuquuqda aadanaha ee ka socda woqooyiga Itoobiya ay saamayn ku yeelan karto dhoofinta Gaancsiga (AGOA) ee Itoobiya iyada oo loo marayo Xeerka Kobcinta iyo Fursadaha Afrika.

Heshiiska Ganacsiga, oo sidoo kale loo yaqaan AGOA, waa fursad cashuur-dhaaf ah oo dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha ay ku gelin karaan Mareykanka canshuur-la’aan haddii ay buuxiyaan shuruudo gaar ah Khubaradu waxay sheegeen in dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool saboolnimada ba’an ay si wayn uga faa’iidaysteen fursadan.

Sannadkii hore, Itoobiya waxay Mareykanka u dhoofisay badeecad lagu qiyaasay $ 300 milyan oo doolar sida uu dhigayo xeerka AGOA, sida lagu sheegay Maqaal ay dhawaan daabacday mareegaha siyaasadda arrimaha dibadda (FP) Sida ku cad maqaalka, labada warshadood ee wax dhoofinta ee Itoobiya, oo ay ka faa’iidaysato AGOA, waxaa ka shaqeeya ilaa 200,000 oo shaqaale ah.

Waxaa lagu qiyaasaa in boqolkiiba 80 shaqaalaha ay dumar yihiin. Sida warbixinta lagu sheegay boqolkiiba 95 shaqaalaha Beerta Warshadaha ee Hawassa waa haween.

Shuruudaha laga rabo AGOA waxaa ka mid ah: ciribtirka caqabadaha hortaagan ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka iyo kor u qaadista dulqaadka siyaasadeed ee dhinacyada badan Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ka faa’iidaystay fursadan.

Mareykanka ayaa uga digay Itoobiya inay ka bixi karto AGOA, isagoo sheegay in colaadda ka socota Itoobiya ay “horseedday xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

Dowladda Itoobiya oo ku eedaysay qaar ka mid ah waddamada reer Galbeedka iyo ururrada caalamiga ah inay faragelin ku hayaan colaadaha ka jira waqooyiga, ayaa la sheegay in Cadaadiska Mareykanku halis ku Yahay Itoobiya.

Xeerka AGOA waxaa 21 sano ka hor saxiixay madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Bill Clinton. Xeerarkan ayaa sidoo kale loo tixgeliyaa “nukunka” ganacsiga Maraykanka ee Afrika.

Siduu Xaalku Noqon doona haddii Maraykanku ku hanjabo inuu Itoobiya ka saarayo Xeerka Kobcinta iyo Fursadaha ee Midowga Afrika? Maxaad u malaynaysaa in laga filayo Itoobiya si looga fogaado Ganacsigan.

Xigsho Nj. Ogaadenia media Adis ababa