Tababare Pep Guardiola ayaa ku fakaray inuu Manuel Neuer ka ciyaarsiiyo booska khadka dhexe intii lagu jiray wakhtigiisa kooxda Bayern Munich sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee kooxda Karl-Heinz Rummenigge.
Macalinka reer Spain wuxuu saddex sano oo si maxali ah u guuleysatay ku qaatay kooxda Bavaria, balse wuxuu keenay firsad uu gacmo gashiga uga siibayo hal kulan Manuel Neuer oo inta badan lagu yaqaano inuu dheesha kooxdiisa ka qeyb qaato.
Guardiola wuxuu go’aansaday inuu Manuel Neuer dhexda ka ciyaarsiiyo kulanka ugu dambeeya xilli ciyaareedka, isagoo og inuu mar hore ku guuleystay horyaalka.
Karl-Heinz Rummenigge wuxuu qiray in Pep uu xiddigiisa ku qanciyay inuu khadka dhexe ciyaaro maadaama uu leeyahay tayo uu garoonka dhexdiisa uga soo muuqdo.
“Kadib ku guuleysiga horyaalka, Guardiola wuxuu keenay firsad ah in Neuer la ciyaarsiiyo dhexda inta lagu jiro kulanka” ayuu yiri Rummenigge.
Advertisements
“Waxey aheyd wax dhib badan in dhankaas loo jiheystso, balse waxey dhalin laheyd in kibir loo fasirto”
“Si kastaba, waxey ila tahay in Neuer uu sidoo kale ku fiicnaan karo khadka dhexe”