Marka ay da’da qofku 30 jir gaadho waxaa hoos u dhacda awoodda uu jidhku u leeyahay dheefshiga cuntada, sidaas awgeed waxaa la gudboon in uu fiirogaar ah u yeesho cuntada uu da’dan kaddib cunayo. Haddii kale waxa uu halis u yahay in uu miisaankiisu kordho, ama buurnimada iyo dhibaatooyinka caafimaad darro ee ka dhasha.
Warbixin ay Aljazeera ka soo xigatay shabakad Nutrition lagu magacaabo oo ka faalloota arrimaha nafaqada ayaa sheegaysa nidaam cunto oo caafimaad ahaan sax ah haddii uu qofku da’dan kaddib raaco in ay ka hortag u noqonayso guud ahaan calaamadaha gabowga oo ugu yaraan dib u dhacaya. Cuntooyinka ay warbixintu ka digtay 30 jirka kaddib waxaa ka mid ah:
SONKORTA :
Waxa ay sababtaa in xaydhu ay ku ururto bawdyaha iyo caloosha, misaankana waa ay kordhisa. Sida oo kale, waxaa la aaminsanyahay in cunista sonkorta badani ay madhalaysnimada ka qayb qaadato iyo in ay soo dedejiso coodhcoodhka maqaarka iyo calaamadaha kale e gabowga.
CUNTADA QASACADAYSAN :
Sida cilmibaadhiso tiro badani daahfurayaan cuntooyinka qasacadaysani mar kasta khatar ayaa ay ku yihiin caafimaadka qofka. Cuntooyinka qasacadaysan oo biiniska ‘Beans’, sharaabka iyo kalluunku ka mid yahay waxaa ku badan milixda, dufanka, iyo sonkorta. Kuwaas oo dhammaantood dhibaato ku ah caafimaadka.
Sida oo kale waxaa cuntada qasacadaysan ama warshadaysan lagu daraa maaddooyin kiimikaad oo ay ka mid yihiin kuwa ka ilaalinaya in ay is beddelaan iyo kuwa midabka dhowra, waxa kale oo dhacda in maaddooyinka kiimikaad ee ku jira samayska birta ama caagga weelka ay cuntadani ku jirtaa in ay ku milmaan cuntada, arrimahaas oo dhammaantood keena khataro caafimaad oo aanu muran ku jirin. Waxaa ka mid ah noocyo xanuunka kansarka ah iyo xanuunnada maqaarka.
Haddaba mar kasta oo uu qofku da’ ahaan sii weynaado waxaa hoos u dhaca awoodda habdhiskii dheefsiga, habdhiska dheefshiidka iyo habdhiska difaaca oo intuba ka qayb qaadan lahaa yaraynta khatarta ka iman karta cuntooyinkan, sidaa awgeed waxaa si aad ah u sii kordhaysa khatarta awalba jirtay ee cuntadani ku keenayso caafimaadkiisa.
Marka intaas laga yimaaddo, cuntooyinka qasacadaysan waxaa ku yar ganku / galka, sidaa awgeed qofka cunaa dhaqso ayaa uu u gaajoodaa, waxa aanay taasi keentaa in uu cunto badan cuno. Cuntada qasacadaysan samayskeeda waxaa lagu daraa maadadda Monosodium glutamate (MSG), maadaddani waxa ay wanaajisaa dhadhanka cuntada waxa aanay kordhisaa doonista cuntada (Amateedka). Labadaas arrimood oo sababa in qofku cunto badan cuno, sidaas awgeedna miisaankiisu kordho.
Ugu dambayntii daraasadaha lagu sameeyey cuntooyinka qasacadaysani waxa ay muujiyeen in ay ku badan tahay maadadda Bisphenol oo xeeldheereyaal badan oo caafimaad aaminsan yihiin in ay sababto Khalkhal dhinaca hormoonnada ku dhaca, kansar, ma dhalaysnimo iyo miisaanka oo kordha.
-KAMAAL MARJAAN
-MARJAAN MEDIA